Wasaarada Caafimaada Puntland oo beenisay in uu jiro qof u dhintay Covid 19
March 29, 2020 - Written by EditorGaroowe: Wasaarada Caafimaadka dowladda Puntland ayaa waxba kama jiraanku tilmaamtay in illaa hadda wax xaalad la xiriirta COVID-19 ay ka jirto deegaanada Puntland.
Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono.
Wasaaradu waxay ugu baaqaysaa dadweynaha Puntland inay xogta ku saabsan cudurka COVID-19 ay ka qaataan illaha munaasibka ah sida Wasaarada Caafimaadka.
DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND