Ciidanka DFS oo la wareegay deegaanka Basra ee isku xira Muqdisho iyo gobollada Shabeelooyinka

October 1, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa si buuxda uga xoreeyay maleeshiyada Al-shabaab deegaanka Basro oo isku xira Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka. Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-shabaab looga saaray deegaanka Basra iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Deegaanada la xoreeyay oo gaaraya 9 deegaan oo ku teedsan wabiga Shabeelle ayaa kala ah: 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifoow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey.

Shan ka tirsan argagixisada Alshabaab ayaa lagu dilay tuulada Baqdaad Intii lagu jiray hawlgalka iska hor imaad dhex maray geesiyaasha qaranka iyo argagixisada, waxaana nooga shahiiday hal askari.

Deegaanada la xoreeyay oo isku xira gobalada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay ku lahaayeen maxkamad beenaad dadka ay uga qaadi jireen lacagaha baadda ah iyo xarumo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaameedsado dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka waxaa ka go’an dib u xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan argagixisada, dhalinyarada ay qaldeen Al-shabaab hawlgaladaan waxa ay uga badbaadi karaan in ay isku soo dhiibaan dowladda, dadkoodana ka mid noqdaan.

-Dhammaad-

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online