Madaxweynaha dowladda Puntland oo furay kalfadhiga 51-aad ee golaha wakiillada Dowladda Puntland.[Video]
October 25, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigaanka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka uga hadlay, Shaqooyinka Dowladda Puntland u qabsoomay intii u dhexeysay labada Kalfadhi iyo qorsheyaasha hortebinta u leh Dowladda.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada Garoowe, Ururada Bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.