Madaxweynaha JFS oo faray Xukuumada in ay gurmad caafimaad oo deg deg ah u diyaariso dhaawacyada Qaraxa Soobe.[Video]

October 30, 2022 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

no images were found

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.


DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2022
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online