๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐๐ต๐ฟ๐๐๐ฐ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ฎ๐พ๐ผ
January 25, 2023 - Written by EditorMuqdisho:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacayso Malaayiin dollar, kaasi oo ay fulineyso Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, oo kaashaneya Baanka Adduunka.
Masuuliyiinta wasaaradda Qorsheynta ayaa uga warbixiyay Raโiisul Wasaaraha qaabka looga faaโiideystay wejigii hore oo la oran jiray Biyooley iyo barnaamijyada u qorsheysan shanta sano ee soo socota, iyadoo wejigan ay ku jirto daryeelka deegaanka.
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in wejiga hore si wanaagsan looga faaโiideeyay shacabka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta.
Mashruuca Barwaaqo oo socon doona muddo sanooyin ah, ay ku baxayso lacag malaayiin dollar ah ayaa waxa uu xoogga saaraya horumarinta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaybaha ku dhaqan miyiga, Beeraleyda, Xoolaha iyo Deegaanka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa mashruuca ku tilmaamay fursad aaan uga faaiideyn karno dadkeena iyo xoolaheena si aanay biyo laโaan ugu dhicin, maadaam buu yiri la galay xilli Jiilaal ah oo adag, oo ay tahay in loo diyaar garoobo.
โ—DHAMMAADโ-