Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday dadkii ku soo dhaawacmay magaalada Laascaanood.
February 18, 2023 - Written by EditorGaroowe: 18 February 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Isbitaalka guud ee Garoowe ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Somaliland ku hayso dadka magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga heer Wasiir ee Gurmadka Gobolka Sool iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa dhaawacyada, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladdu isaga xilsaarayso garab istaaga dhibaatada lagu hayo.
“Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay,inta dhaawaca ahna haw booga dhayo, dhammaantood waxay difaacayeen sharafkooda iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, waa wax aan layskaga hadhi doonin in dad Shacab ah oo Masiirkooda ka tashanaya Xasuuq noocaas ah loo geysto.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND