Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Uganda(Masawiro)
October 8, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda magaalada Kambala ee xarunta wadanka Uganda.
Madaxweynaha JFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiiro ka tirsan xukuumadii Cabdi weli Maxamed Gaas iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka ,agaasimaha nabadsugida iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha JFS Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo ayaa magaalada Kambaala waxay uga qeyb gali doonaan sanad guuradii 50 ee ka soo wareegtay markii ay xoriyada qaateen dalka Ugandha waxaana uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa inta uu joogo dalka Ugandha madaxada dalkaas.
no images were found
Safarkan uu Madaxweynaha uu ku aaday dalka Uganda ayaa ah safarkii ugu horeyay oo uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud 10 September 2012.
A/Cawale
Halgan.net