Golis oo Hadiyado gudoonsiisay Dhakhaatiirtii Turkida ahayd
October 1, 2011 - Written byBosaaso: Xaflad si weyn loo soo agaasimey ayna soo qabanqaabisey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland islamarkaana aay maalgaliyeen 3 Shirkadood oo ganacsi oo Shirkada Golis ay ka mid tahay ayaa habeenimadii Jimacahu soo galayey ka dhacday Hoolka Shirarka ee Hotel Juba Bosaso.
Xaflada oo ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin farabadan oo aay ka mid ahaayeen Wasiiro,Masuuliyiin Heer gobol, Ganacsato, Culimo iyo dhalinyaro. Xafladaan oo ahayd martiqaad iskugu jirtey marxabayn, mahadnaq iyo sagootin dhakhaatiirta turkida ah loo sameey ayaa Shirkada Isgaarsiinta Golis waxay hadiyado qiime leh gudoonsiisey dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga ayaa sidoo kae gudoonsiisey hadiyado qiime badan oo ka koobnaa Xabagta qaaliga ah ee maydiga,macawiso iyo alaabo dhaqanka ah oo qiime badan.
no images were found
Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis oo halkaas kalmad kooban ka jeediyey ayaa u mahad celiyey dhakhaatiirtaas iyo hayadaha aay kasocdaanba isagoo bogaadiyey dowrka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed aay u hayaan taasoo uu xusey inay taariikhda xusi doonto.
Xafladaas ayaa kusoo gabagabowday jawi farxad iyo rayn rayn iyadoo wafdiga dhakhaatiirta turkida ah aay si weyn uga mahad-naqeen uga maqsuudeen sida sharafta iyo maamuuska leh ee loo soo dhaweeyay.
Ashkir Nuur
Boosaaso,Halgan.net