Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD(Warsaxaafadeed)
October 16, 2012 - Written byMuqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiis kiisa ku qaabilay Wafdi ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mahbub Moalim Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin Dowladdda Soomaaliya .
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD. tageerada ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.
– Dhamaad
Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia,
media@presidency.gov.so