Saraakiil hor dhac u ah Shirkii labaad ee wadatashiga wajigiisii 2aad oo gaaray Garoowe
October 1, 2011 - Written byGaroowe:-Waxaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland wafdi uu horkacayo taliyaha Ciidanka Xoogga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi ka socda QM iyo AMISOM waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax ka tirsan dowlada Puntland. Taliyaha Ciidanka Xoogga DFKM Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay Madax ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo la sheegay inay ay ka wada hadleen ciidamo loo tababari doono Puntland iyo kuwa DFKM iyo sugida amaanka deegaanada Puntland.
Saraakiisha ka socota QM iyo AMISOM ayaa waxay u kuurgaleen xaalada amaanka ee magaalada Garoowe waxayna soo kormeereen xarun loogu talo galay in lagu qabto shirka wadatashiga ee uu wajigiisa labaad ka dhici doono magaalada Garoowe.
Shirka wadatashiga ayaa waxaa lagu qabtay wajigiisii koowaad magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaana ka soo qeyb galay wufuud ka kala socota Puntland ,Galmudug, TFG iyo ahlu Suna .Bishaani gudaheeda ayaa la filayaa in lagu qabto shirka wadatashiga oo ay hurmuudka ka tahay QM magaalada Garoowe .
M_M Deeq
Halgan.net