Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia oo gaaray Garoowe(Masawiro)
October 21, 2012 - Written byGaroowe:-Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole.
Wafdiga safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Somalia Michele Cervone ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya madax barnaamijka EU-da ee kor u qaadida la dagaalanka Burcad badeeda Admiral Jacques Launay .
Kulanka uu Madaxweynaha Dowlada Puntland uu la qaatay Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen,Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, wasiirka Cadaalada Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,taliyaasha Asluubta Booliska iyo Saraakiisha madaxtoyada iyo ciidanka Badda Puntland
no images were found
Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay la-dagaalanka burcad badeeda iyo saro u qaadida barnaamijka cusub ee Midowga Yurub uu ugu talo galay arinkaas waxaana tababar la siin doonaa laamaha Garsoorka ,Booliska ,Asluubta iyo shaqaalaha wasaaradaha arimaha gudaha ,Cadaalada iyo Dekeddaha
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole oo la hadlay saxaafada ayaa u mahad celiyey wafdiga uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaliya wuxuuna ugu baaqay in laga faa,ideysto tababarka la siin doono laamaha dowlada Puntland si looga hortago loona dagaalamo burcad badeeda
M_M Deeq
Halgan.net