Puntlland oo ka hadashay Markab weyn oo ku soo xirtay Dekadda Boosaaso
October 7, 2011 - Written byBoosaaso:-Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa shir jaraa.id oo uu ku qabtay magaalada Boosaso ee xarunta gobolka bari ayaa waxaa uu uga hadlay Markab weyn oo ka yimid dalka Imaaraadka carabta oo dhawaan ku soo xirtay dekada weyn ee magaalada Boosaaso. Wasiirka Maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in Markabku uu sido agab u badan mucaawino ka kooban ilaa 400-Tan oo iskugu jira baabuur,bur, bariis, sonkor timir,dawooyin, biyo sifeeyaha , teendhooyin iyo qalab kale oo loogu tala galay in ciidanka Badda ee Puntlland ay kula dagaalamaan burcadbadeedka.
Wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali shire ayaa saxaafadda u sheegay in aysan ahayn markii ugu horaysay oo mucaawino noocaan oo kale ah ay dowllada Imaaraadka carabta ay soo gaasiiso degaanad Puntlland isagoo mahad balaarana u jeediyey shacabka iyo dowllada Imaaraadka carabta,Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in mucaawianada la gaarsiin doono dadka Baraka cayaassha ah ee ku nool deganada Puntlland iyadoo hadba loo eegayo sida ay u kala daran yihiin.
Wasiirka maaliyadda dowllada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in mucaawinada ay dowllada Imaaradku ugu deeqday dowllada Puntlland ay qayb ka tahay mucaawinada ay beesha caalamku ugu yabooheen dalka Soomaaliya oo xilgaan ay ka jirto abaar iyo colaad baahsan.
M_M_Deeq
Halgan.net