Dagaal saaka ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa.
October 8, 2011 - Written bySabti, Oktoobar 08, 2011 (Halgan) Waxaa saaka iska horimaad hubeysan uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee ku yaal dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen saaka fariisamo ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa.
Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaan ilaa hadda la aqoon khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka blase Sarkaal u hadlay DFKM ayaa sheegtay in ciidanka DFKM ay qabsadeen fariisamo hore leh oo ku yaal degmada Kaaraan isagoo xusay in ciidankoodu ay gaareen ilaa Isbitaalka Keysanay iyo deegaanka galgalato.
Sarkaalka u hadlay DFKM ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka DFKM ay horumar ka sameyeen dagaalkii ka dhacay saaka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ciidanka DFKM ay dileen askar ka tirsan ciidanka Al-shabaab
Dhinac kale Sarakaal u hadaly ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen fariisamahooda bals e ay dib iskaga waabiyeen khasaarana ay gaarsiiyeen ciidankii soo weeraray welina ay iyagu ku sugan yihiin fariisamahooda.
Sarkaalkaan ayaa sheegay in cidanka AMISOM ay madaafiic naxariis daro ah ay ku garaaceen xaafadaha Waqooyi ee magaalada Muqdisho, goob jooge ku sugan degmooyinka ay dagaalku ka dhaceen gaar ahaa degmada Kaaraan oo la hadlay idaacadaha ka howl gala Muqdisho qaarkood ayaa u sheegay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay soo gaareen ilaa Isbitaalkii Keysanay dagalkuna uu hadda xoogga qaboobay
A/cawaale
Halgan.net