Ciidamo Beeleedyo isku hor fadhiyey Miyiga Degmada Rako oo la kala qaaday
October 10, 2011 - Written byQardho:-Isimo iyo waxgaradka ka yimid gobolka Karkaar oo kaashanaya masuuliinta Puntland ayaa waxay ku guuleysteen in ay kala qaadaan maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamaya degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaana la kala dhexdhigay ciidamo ka tirsan Puntland.Guddoomiye ku xigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa xaqiijiyey in la kala qaaday ciidamadii labada beeleed ee walaalaha ahaa oo ay xur gufta ku dhexmartay deegaano hoos taga gobalka Karkaar.
Masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa haatan ku sugan Degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar waxaaa hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac (ilka Jiir) iyo weliba ergo , waxgarad , iyo nabadoono ka soo kala jeeda labada beelood ee ku dagaalamaya Degmada Rako raaxo.
M_M Deeq
Halgan.net