Deegaanka Taabto ee gobolka Jubada hoose oo saaka degan
October 14, 2011 - Written byKismaayo:-Waxaa maanta laga dareemayaa deganaasho aan cago badan ku taagnayn Deegaanka Taabto ee gobolka J/hoose xili shalay dagaal culus uu ku dhexmaray ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidamo huwan ah oo ka kala tirsan Ururka Raaskaambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo ciidamo sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKM.Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni Axmed Madoobe ayaa xalay sheegtay in ciidankiisu ay la wareegeen degaanka Taabto oo ah goob istaraatiiji u ahayd ciidanka huwanta ah ee dagaalka la galay shalay ciidanka ururka Al-shabaab.
Saraakiisha horkacaysa ciidanka huwanta ah ayaa waxaa ay iyagu doonayaan in culus ciidan ay saaraan ciidanka Al-shabaab oo dagaal culus uga furan yahay magaalada Muqdisho si ay uga fara maroojiyaan Gobollada Jubooyinka. Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro fara badan oo soo kala gaaray 2-da dhinac ee dagaalku dhexmaray waxaan ku dhintay ugu yaraan ilaa 20 qof xili dhaawacu uu ku dhow yahay ilaa 100 qof ku dhawaad.
Dhinacyada uu dagaalku dhexmaray ayaa qolo walba waxaa ay wadaa abaabul ciidan iyo in guluf colaadeed ay ku kiciso qolada kale, dagaalka u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ururkay rabaanba ha sheegtaane ayaa culimada dalka Soomaaliyeed ay ka digeen in laga qayb qaato iyagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay mid fidno ah loona baahan yahay in dhalinyaradu ay ka fogaadaan xoogoodana ay u kaashadaan dadka cadowga ku ah jirtaanka umada Soomaaliyeed iyadoo wixii diin ku saabsan looga danbaynayo culimada cilmiga u leh.
A/cawaale
Halgan.net