Diyaarado reer Galbeed ah oo duqeyna ka geystay Degaanka Qooqaani
October 15, 2011 - Written byKismaayo:-Waxaa maanta mar kale duqeyn ka geystay degaano ka tirsan Jubada hoose diyaarada la filayo in ay leeyihiin ciidanka cirka ee dalka Marayka , diyaaradahaan ayaa waxaa ay bartilmaamsadeen degaanka Qooqaani fariisamo ay ku leeyihiin ciidanka Al-shabaab iyadoo ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Diyaaradaha laga leeyahay dalalka reer Galbeedka ayaa waxaa ay duqeymo kale duwan ka geysteen gobollada ay gacan ta ku hayaan ciidanka Al-shabaab iyagoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay u geysteen dad xoolo dhaqto ah iyagoo qaarka qafaashay.
Duqeynta ciidanka reer galbeedka ay ka geysanayaan degaano ka tirsan Jubada hoose ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamo huwan ah oo ka kala tirsan DFKM iyo kuwa Raaskaambooni ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Madoobe ay dulaan ku yihiin Gobollada Jubooyinka ee ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.
Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa waxaa laga dareemayaa saaka degaanka Qooqaani oo laga cabsi qabo in ay ku dagaalamaan ciidamo huwan ah oo ka tirsan DFKM ,kuwa Raaskaambooni iyo ciidanka ururka Al-shabaaab dadka shacabka ah eek u dhaqan degaanada hoos taga Afmadow iyo Dhoobley ayaa u barakacaya xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay ku jiraan xerooyin ay dowllaada Kenya lacag fara badan uga hesho beesha caalamka.
A/cawaale
Halgan.net