Raisulwasaaraha DFS oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

April 3, 2013 - Written by Editor

SAM_1557_(2)Jabuuti:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maanta safarkiisii ugu horeeyey uga dhoofay magaalada Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha Wasiirada ooo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin X. Maxamuud Faqi, Marwada R.wasaaraha Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jabuuti, waxaana kadib loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Jabuuti.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankan oo ahaa mid gaar ah waxaa looga hadlay arrimaha dalka, gaar ahaana arrimaha Amniga iyo iskaashiga, waxaana markii uu soo gabagaboobay warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaare Saacid oo xusay kulankooda ay uga wadahadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale deris wanaaga.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, xusay in safarkan uu sidoo kale ku tagi doono dalalka Itoobiya, Uganda iyo Burundi, isaga oo rajo wanaagan ka muujiyay inay ka soo baxaan natiijo wanaagsan.
Dalalkan ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo Nabad illaaliyeyaal ah, waxaana sidoo kale Ra’iisal Wasaaruhu kala hadli doono dalalkan arrimo khuseeya ciidamadan iyo nabadgalyada dalka.

no images were found

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa tan iyo magacaabistiisii October 2012, waxa uu safaro kala duwan ku bixinayay gobolada iyo degmooyinka dalka, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee bulshada, wuxuuna safarkani noqonayaa midkii ugu horeeyey ee uu dibadda ku maro.
Garad Salad Hersi 
Press officer
Djibouti, Republic of Djibouti

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online