Midnimo iyo UDAD oo qaadacay doorashooyinka golayaasha degaanka ee Puntland

April 4, 2013 - Written by Editor

ururoGaroowe:-Ururada Siyaasada ee Midnimo iyo UDAD ayaa waxaa ay manta si rasmi ah u shaaciyeen in aysan ka qabgeli doonin  doorashooyinka golaha degaanka ee Puntlland oo dhawaan la qaban doono. Shirjaraa’id oo ay maanta 2-da urur ku qabteen magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ku sheegeen  in ay qaadaceen in ay ka qab galaan doorashooyinka golaha degaanka ka dib markii Gudiga doorashooyinka ee Puntlland  ay wax ka bedeleen xeerarkii doorashooyinka golayaasha degaanka.

2-da urur siyaasadeed ayaa ku eedeeyey gudiga doorashooyinka ee Puntlland in uusan ahayn mid madaxbanaan  dhexdhexaadna ka noqon kara qaab siyaasadeedka loo asteeyey in Puntlland u dhaqaaqdo.

Gudoomiyaha Ururk siyaasadeedka UDAD Saciid Faarax Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu faahfaahin kooban ka bixiyey sababaha ay u qaadaceen in ururkoodu uu ka qayb galo golaha doorashooyinka waxaan uu tilmaamay in xeerarkii doorashooyinka ay ka bedeleen gudiga doorashooyinka ee Puntlland.

Dhinac kale Gudoomiye ku xigeenka Urur siyaasadeedka Midnimo Maxamed Cabdi Nuur Xirsi oo isagana la hadlay saxaafada ayaa xusay in ururkoodu uu mid u taagan in Puntlland ay ka gudubto qaabka beeleedka una gudubto qaabka dhinac Xisbiyada balse arrinkaas uu ka suuroobi waayey gudiga doorashooyinka Puntlland oo qodobadii ugu muhiimsanaa ee Golaha doorashooyinka wax ka bedeleen.

Qodobada ugu muhiimsan ee 2-da urur ay ka biyo diideen ayaa ah ka dib markii gudiga doorashooyinka ee Puntlland ay xeerka doorashada degaanka u dhacayso ay ka saareen:-

1-      In la sameeyo tirakoob guud ee degaanada Puntland  iyo

2-      In dadka doorashada ka qayb galaya loo sameeyo aqoonsi.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online