Mu’asasada Safa ee Dacwada oo Dowro ku qabatay Markazka Ibnu-Baz ee Muqdisho
April 5, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Dowro socotey 2 cisho kuna saabsaneyd waxyaabaha lagu halaagsamo ayaa ka dhacdey Hoolka Shirarka ee Markazka Ibnu-Baz ee Magaalada Muqdisho, Cinwaanka Nadwaduna wuxuu ahaa حملة التحذير من الموبقات).
Fulinta iyo Agaasinka Nadwadan waxaa lahaa Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta, waxaana ka qeyb galey oo ka faa’iideystay qeybo ka mida Bulshada Muqdisho, gaar ahaan dhalinyarta.
Culimo dhowra oo ka mida Magaalada Muqdisho ayaa Nadwadan ka bixiyey duruus kale duwan oo ku aadan cinwaanka Nadwada, gaar ahaan ka hadalka Dulmiga oo udub dhexaad u ahaa Nadwadan.
Intii Nadwadan socotey waxaa baxey ilaa 5 Darsi oo Culimadii bixisey Nadwadu uga hadleen Dulmiga oo ah wax yaabaha wax halaaga kan ugu weyn.
no images were found
Nadwadan waxey qeyb ka noqoneysaa howlaha Dacwo ee Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta ka wado Magaalada Muqdisho ugana qeyb qaadanayo toosinta iyo hanuuninta Bulshada ay dhex joogto.
Waxaa la filayaa Olale kan la mida waxna looga qabanayo baahida Diineed ee Bulshado qabaan in Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Horumarinta fuliso, si looga fogaado xad-gudubyada dadku ku dhacayaan gaar ahaan in la is dulmiyo, bulshaduna kala fogaato.
A/Cawale
Halgan.net