Khilaaf ba’an oo u dhexeeya Madaxda Al-shabaab oo banaanka u soo baxay

April 7, 2013 - Written by Editor

logo-alshabaabMuqdisho:-Ninka labaad ee ugu sarreeya xarakada Al-Shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac (Afgaan) magaca uu xarakada ku dhex leeyahayna uu yahay Sheekh. Abuu Bakar Al-Zeylici, ayaa waxa la helay fariin uu u diray hoggaamiyaha Al-Qaacida, taasoo uu kaga warramayey hab-dhaqanka amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo uu ku eedeeyey nin aan ku dhaqmin shareecada Islaamka, xarakadana ku hoggaamiya rabitaankiisa.

Fariintaan oo ku qoran luuqadda Carabiga, ayaa Ibraahim Afgaan, waxa uu ku sheegay in mustaqbalka xarakada ururka Al-shabaab uu khatar ku jiro, isla markaana amiirka xarakada iyo rag kale oo ka hoos shaqeeya ay meel daran wax ku wadaan, muddo dheerna ay diiddanaayeen inay ku kala baxaan sharaacada Islaamka, waa sida Ibraahim ku doodayee.

Ibraahim Afgaan, ayaa fariintiisa waxa uu ku bilaabay Xadiith uu Nabigu kaga digayey xukunka dadka maan-gaabka ah, kuwaasoo uu Nabigu NNKH ku sheegay madax isaga ka dambeysa oo aan ku soconin dariiqiisa, waxaana xadiithka loo keenay in hordhac looga dhigo in amiirka xarakada uusan ku soconin jidkii Nabi Muxamad NNKH.

Waxyaabaha uu ku eedeeyey ayaa waxaa ka mid ah:-

  1. In Axmed Godane iyo raggiisu ay xabsiyo qarsoodi ah dadka u sammeysteen, kuwaasoo ayaan booqan karin madaxda kale ee xarakada, culimada xarakada iyo ehelaada dadka xabsiyadaas qarsoodiga ah ku xiran, dhib farabadanna dadka halkaas loogu geysto.
  2. In Axmed Godane ay ka soo fulaan fulinta falal dhibaatooyinkooda ay ka weyn yihiin wanaaggooda, isla markaasna ay xarakadu ku weyday taageerada Shacabka.
  3. In Axmed Godane iyo raggiisu ay hawadooda ka hormariyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.
  4. In Axmed Godane uusan talada waxba uga oggoleyn mas’uuliyiinta kale.

Fariinta ayaa sidoo kale ishaartay inay khatar ku jirto nolosha qaar ka mid ah dadka aan Soomaalida aheyn ee xarakada ka barbar dagaalama, taasoo uu horey u shaaciyey Abuu Mansuur Al-Amriki. Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad (Afgaan) ayaa fariintiisa ku sheegay inuu aad uga baqayo in Soomaaliya ay la mid noqoto wixii ka dhacay Algeria.

Dad badan ayaa aaminsan in Ibraahim Xaaji Jaamac uu yahay ninka daaha gadaashiisa ka maamula xarakada Al-Shabaab, isla markaasna uu hadda doonayo in wixii ceeb ahaa ee dhacay uu uga siibto amiirka xarakada, iyadoo waxa uu hadda fariintiisa ku qoray sanado badan ay ka hadlayeen indheer-garadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ee Eedeynta culus loo soo jeediyey ayaan weli ka hadlin, iyadoona sidoo kale aan la shaacinin labadan nin ee xarakada ugu sarreeya cidda la kala safan, balse wax badan ayaa dhawaan banaanka imaan doona, sida lagu wado.

Halkan hoose ka akhriso fariinta Ibraahim Afgaan ee afcarabiga ku qoran

Source Somalireal.com

11 Comments so far

Leave a comment

  1. ilaahey waxan ka rajeyneeyna in u fadeexeeyo ninkasta o dhiinta ka been sheegayo kuna qarabanaayo ninkasta o garab mara hadyigi nabigeena saan aya u danbeeyneesa ilahey ha so ha nuuniyo inta ku daba dhunsan اللهم أرنا الحق حقا ورزقنا اتبعاعه وأرنا الباطل باطلا ورزقنا اجتنابه

  2. Aloow cidaad hanuun la maagtay hanuuni cidii aan hanuun u qoreyna naga qabo shartooda,

  3. السلام عليكم رحمة الله وبركاته
    كنت أتباع أخبار بعد مقتل الدكتور أحمد حاج عبدالرحمن مند ذاك يوم يومنا هذا حركة يطهر أمرهم لعامة الناس وقديم قيل رياح فتن يعلمها العلماء ومطر إذا نزل عرف كل واحد إخوني كن لا تنسوا من تاب إلى الله تاب الله عليه

  4. Alaahu Akbar Alaahu Akbar.waxaa soo if baxay ducadii culimada umada soomaaliyeed meel walba ay joogaan iyo caamadii dhibka lagu hayay. Somaali horey waxay u tiri God ha qodin hadaad qodana ha dheereen ku dhici doon tidaa ma ogid. so just am saying what goes around comes around,

  5. war taariikh kalay samaysteen miyaa jumadul awal ayaan maraynaa iyaguna athaanii bay ku qoreen

    bal dhagaysta sheekh shible

    http://www.safeshare.tv/w/LFMChqvIqz

    war sodonkaa been abuurka uu sheegay sheekh shibile hanoo soo gudbiyo
    waa muhiim halganna bal arinkaa sheekha noo waydiiyay

  6. waa cuquubadii umadda iyo culimada iyo dulmigii diinta laga galay ayaa dildilaacaya kawna ma joogto

  7. waxaa kusoobaxay habaarkii umada

  8. Asc.

    Waa Ilaahay mahadiis Ilaahay wuxuu aqbalay Ducaadii Culumada, Waxgaradka iyo Indheergarad Umadda Soomaaliyeed, ay Allaah uga baryeen in uu kooxdaas umadda ka qabto, hadeer ayay bilaabeen dhexdoodii, in ay isku jeestaan.

    Maalmaha soo socdayo iyo Saa dambe aan dhowrno” waa muhiimad weyn, Ilaahayna waxaan weydiisanaynaa in uu badbaadiyo kuwooda xaqu ku haray, kuwa badan ayaa ku jira oo kheyr doon ah, balse fikrada laga dhaadhiciyay Allaah soo hanuuniyo, hadii loo qoray, hadii kalena Allaah umadda dhaafiyo sharkooda.

    Rag badan oo culumo ah ayaa dhex fadhiya kooxdaas luntay, hadana hadal iska dhaafe, waxaadba moodaa in uu manta dhaamo ninkii fikirkan usoo gudbiyey Soomaaliya, Ilaahay ka cabsada Culumadaaseey Walaahi xaqa aad qarinaysaan Ilaahay agtiisa xujo ayuu idinku yahay.

    Duli ha uadkeysanina oo kaca, oo runta sheega, Shacbiyadna waad helaysaan Umaddana ka badbaadiya Baseeda godka ku jirta….Allaah na dhaafiyo kooxda lunsan.

  9. waa sugaynaa in alshabaab aysan sanadka dhaafayn inshaa alaah sababto ahwaxay galeen dulmi badan

  10. aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inuu Allaah subxaanahu watacaalaa soo if bixiyay dulmigii iyo diin la’aantii umadda islaamka lagu baabi’yay, dulmigaasoo ninkii dalka keenay uu maanta qaylo af-llabii uu yeeray, oo tolow daadku markuu gurigiisii ugu soo galay miyuu qaylo bilaabay mise diin la’aan buu is lahaa dadka dhaxalsii.

    Maandhow adkeyso ninbuu ilaahay kaa dhigaye, wiilka aad ka qaylinayso waa kaad keentay, allaylehe kaa bartaa ka badi baa maanta ku haysata, ee saaxiibow adkeyso qaylo dhaantana jooji horaa loo yiri:
    calaacalka iskadaa nin raga waa kii calool adage.
    Maanta waa maalin weyn oo xusuus mudan ee soomaaliyay ku bishaaraysta Jabkii shabaaaab.
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. sc wr wbk waxaan iyo wax ka badan inee soo socdaan culimada inoo sheegtay kuwaan ceebahooda waa soo socdaan shartooda illaah hana mootiyo. diinta ay ka been shegeen ayaa qabaneeso diintana illaah ayaa difacanaayo

Leave a comment

*