Raisulwasaaraha DFS oo maanta booqday Maxkamadda gobolka Banaadir iyo isbitaal Madiina

April 15, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Raisulwasaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa goordhow booqday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir iyo isbitaal Madiina. Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid ) ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey  wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Waxaa haatan ka socda xarunta Maxkamada gobalka Banaadir kulan ay albaabada u xiran yihiin waxaana kulanka ka qeybgalaya Ra’iisulwasaare Saacid iyo saraakiil iyo garsoorayaal ka tirsan Maxakamada gobalka Banaadir. Ra’iisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa kale oo booqasho ku tagay isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho waxaana uu soo indho indheeyey dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Maxakamada ee gobalka Banaadir waxaana uu warbixino ka dhageystay dhaqaatiirta isbitaalka Madiina .

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta Maxkamada ee gobalka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay ilaa 29 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 60 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha isbitaalada magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online