Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jarey Madaxtooyada cusub ee Puntland[Masawiro]

April 15, 2013 - Written by Editor

8Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta xariga ka jarey dhismaha cusub ee Madaxtooyada Puntland xaruntaas oo ku taal duleedka xarunta dowlada Puntland ee Garoowe.

Xaflada xariga looga jarey Madaxtooyada cusub ee Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashid Maxamed Xirsi ,wasiiro ,xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Puntland .

Waxaa kale oo ka soo qeyb galay munaasabada lagu furay Madaxtooyada cusub ee Puntland  saraakiisha ka socday safaarada Itoobiya ,iyo xubno ka tirsan QM .

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad kooban ka jeedshey munaasabada lagu furey xarunta cusub ay yeelan doonto madaxtooyada Puntland waxaana uu sheegay in xukuumadiisa ay waxqabad badan la timid ayna dowladiisa wado mashaariic kala duwan.

no images were found

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo  kale ka hadlay amaanka wuxuuna sheegay in xukuumadiisa ay xooga saari doonto sugida amaanka wuxuuna sheegay in dowladiisa ay horumar ka gaartay dhinaca siyaasada.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa mar labaad ka hadlay Maamulka Jubaland State wuxuuna sheegay in dowladiisa ay taageereyso maamulka Juba land  waxaana uu yiri ”Waxaan bogaadinayaa shirka ka socda Kismaayo ee lagu dhisayo Maamulka Jubaland ”

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online