Masaajideenu maxay u noqon waayeen masjidkii Nabiga oo kale? W/Q Sh Axmed C/samed

April 17, 2013 - Written by Editor

shaxmedBoosaaso:-Nabigu SCWS wuxuu ahaa ergay RAbbi inoo soo diray, macallin, murabbi, garsoore, madaxweyne, hoggaamiye ciidan. Wuxuu ahaa aabbe, walaal, zawj, qariib, daris iwm. Dhinac kale wuxuu la macaamilay ehel, muslin, gaalo heshiis kula jirta, kuwo uu balan la leeyahay, gaao dagaal ka dhexeeyo iwm. Wuxuu la macaamilay dowlado, qabiilooyin, qof qof iyo kooxo diimeedyo leh Mushrikiin, Majuus, Yuhuud, Kirishtaan iwm.

Masjidkiisu wuxuu ahaa goob cibaado, malcaamad, jaamacad, maxkamad, xarun ciidan, xarun madaxtooyo, goob mashaakilka bulshada lagu xalliyo, xarunta fatwada iwm. Masjidkiisa waxaa ku tukan jirey rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, reer miyi iyo reer magaal, madax iyo majo, hodon iyo sabool, caalim iyo jaahil iwm.

Ogow dumarka iyo raggu salaada nabiga ayay ku wada xiran jireen. Safafka ragga waxaa ugu ajar badan kan ugu horreeya, safafka dumarkana kan ugu dambeeya. Nabigu salaadda ayuu gali jirey isaga oo is leh dheeree, kolkaas ayuu maqli jirey ilmaha oohintooda, markaas ayuu soo gaabin jiray. Wuxuu faray in aan adoomaha Ilaahay (dumarka) loo diidin masaajida Ilaahay. Gurigeeda ayaa uga fadli badan inay masjidka ku tukato marka slaadda ciida laga reebo laakiin waxaa jira arrimo aysan masaajidka uga maarmin sida cilmi barashada gaar ahaan haddii aysan cilmi lahayn ama aysan guri cilmi joogin.

Xiligaan waxaa ahmiyad dheeraad ah usii yeelaya in masaajida loo sameeyo qayb dumarka u gaar ah iyada oo dumar badan ay magaalada u shaqotagaan ama waxbarasho u aadaan, aysana u sahlanayn inay salaadaha magaalada ugu gala guriga ka soo gaaraan.

Adiga oo intaas ka fahamsan nabiga SCWS iyo masjidkiisa is weydii su’aasha ah maxaa masaajideenu u noqon waayeen masjidkii nabiga oo kale?. Iskuna day inaad qayb qaadatid sidii arrintaas wax looga qaban lahaa.

Su’aashaan waxaa igu dhaliyey warqadaan oo ay ii soo qortay Fardowsa Saciid oo ka mida gabdhaha dacwada ee reer Minnesota.

ASC shaikh Axmed, ilaahay ha’idinka ajar siiyo khayrka aad ummadda u haysaan. Hal Arrin ayaa igu taagan Pom jeclaystay Inaan is badAl ka’arko. Waxay tahay maxeey masaajidda ku yaal soomaliya oga jiifaan wax badalka mujtamaca. Waxaa ii muuqda inee xooga Saaraan kahadalka cibaadada laakiin ay iloobaan baraarujinta mujtamaca. Tusaale ahaan, ehelkayga ayaa Dagan galkacyo wexeena ii sheegeen in dumarka iyo caruurta aysan tagin masaajidda, ayyaga ayaana oga baahi badan ragga xagga maqalka iyo fahanka diinta waayo …..

Marka waxaan jeclaan lahaa in masaajidda ay qudbooyinka u furaan dumarka iyo caruurta kadibna ay kaga hadlaan tusaale ahaan nadaafadda iyo in dariiqa laga aruuriyo qashinka…. Iyo wixii lamida oo mujtamaca u dhexeeya. Iyo in muqarraro loo dajiyo oo dugsiyada ay raacaan, oo ay ku Baraan carruurta caqiidada, xadithka, siirada…..

Waad ogtihiin in masaajidka nabiga uu ahaa meesha ummadda laga hago, not only in labaro waxee ku cibaadaysan lahaayeen…

Waxaan ku noolahay Minnesota, haddeesan bacdallaah masaajidda aheen waan dhumi laheen, waayo waxaan ugu nimaanaa cilmi, salaad, Kulamo lalaqaadanayo dhalinyarya, dhiirri galin, ciyaar iyo cuntA free ah, wuxuu noo yahay everything. And that is the way it should be. Alxamdulilaah.

Shaikh plz ii soo jawaab, I want Inaan more hadalno oo aan fikrado idinku darsado.

Jazakallahu Alfa khair.

W/Q Sheekh Ahmed  Cabdi Samed Cabdulle

2 Comments so far

Leave a comment

  1. As C W W. Anigana fadiilata shaykh maraykanka ayaan kunoolahay waanan ku raacsanahay walaasha fikirkeeda, waxayna isoo xasuusisay hadal uu ii sheegay sheekh kamid ah culimada maraykanka nala joogta oo sanadkan bilawgiisi booqday soomaaliya khudbana ka akhriyay masjid ku yaala magaalada muqdisho isaga oo ka hadlay nadaafada iyo in dadka ay xaafada nadiifiyaan. waxa uu yidhi markay khudbadii dhamaatay waxaa ii yimid nin kamid ahaa dadkii masjidka ku soo tukaday waxa uuna igu yiri sheekh nadaafadbaad ka hadlaysaa wadankana waa la haystaa. waxa uu garan waayay ninkaasi in qashinka xaafadiisa laga qaadayo ay isga dan u tahay!!. marka fadiilata shaykh jzkmlaahu khayran alaha idinku garab galo wanaaga iya khayrka aad umada u haysaan.

  2. Asc wr wb
    Shiikh Axmed Allah ha ku barakeeyo Adiga Iyo camalkaaga Iyo cimrigaagaba
    Walaashay farsowso ma aqaan laakiin isku magaaalo ayaan ku noolnahay fikirkeeda saliimka ah Iyo hamiga at dadkeeda Iyo diinta u hayso allaah ha ka abaalmariyo intay Minnesota ka sheegtayna Waa sax marka wada shaqada wanaagsan insha Allah. Fikirkeeda Iyo qoraalkaaguna ha noqdeen ambaqaad wanaagsan oo ku saabsan isbedelka masaajiddeenna.

    Wsc wr wb

Leave a comment

*