Diinlaawow, Ina ayaad tahay ? W/Q C/qaadir Cabdille Diini

April 23, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Bulsho kasta oo jirtaa waxay leedahay dhaqan iyo waxay rumeysan tahay oo ay ilaashato, kuna bixiso naf iyo maalba waxay leedahay. Dhaqan kaas iyo waxa bulshadu rumeysan tahay ayaa diin u noqda, ha ahaadeen kuwo bulshadaasi abuuratay ama mid Alle u soo dejiyey. Waxyaabaha Bulshooyinku isku aanaysato waxaa ugu xoog badan midka ay diintu keento, waxaana ka mid ah waxyaabaha ummadaha xiriiriya oo ay isku aaneystaan dhalasho, dhaqan, midab, luqad, deegaan iyo wixii la mid ah.

Bulshada muslimka ah Alle wuxuu ku galladeystay diin dhammeystiran, wuxuuna u soo diray rasuulkii rususha la soo diray ugu fadliga badnaa. Waxay dadka ka saartay dulmigii iyo is addoonsigii, waxayna u saartay caddaalad iyo nadab-ku-noolaansho. Cumar Ibnu Khaddaab wuxuu yiri, isagoo cabbiraya sida Islaamku u beddelay nolosha bulshada dhan kasta oo ay tahay, “Waxaan nahay bulsho Alle ku karaameeyey islaannimada, karaamada iyo sharafta haddii aan meel kale ka raadinnona, Alle waa na dulleynayaa.”

 

Ummadda Islaamku waxay hoggaanka u haysey dunida markii uu Islaamku ahaa dastuurka iyo dhaqanka dawladda, midka bulshada, midka reerka iyo midka qofka. Waxay dhan walba ka dareemayeen nimco, nabad iyo baraare. Ibraahim Bin Ad-ham oo, sida Bukhaari sheegay, dhintay 161 Hijriga, ahaana nin cibaado iyo adduunyo-necayb lagu yaqaanney ayaa wuxuu yiri, “haddii ay boqorrada iyo kuwa ay dhaleen ogaan lahaayeen nimcada iyo baraaraha aan ku jirto waa nagula dagaallami lahaayeen oo nagu qabsan lahaayeen.” Macnuhu waxaa weeye, ma oga wanaagga Islaamka iyo waasacnimadiisa.

 

Cadowga islaamku wuxuu u quuri waayeen nimcadaa ay haystaan, waxayna adeegsadeen tab kasta oo ay islaamka ku burburin lahaayeen. Waxay adeegsadeen awood ciidan, mid dacaayad iyo mid maskaxeed. Awood ciidan waxba way ku gaari waayeen, iskaba daaye waxay muddo yar ku waayeen dhul ballaaran oo ay qarniyo ka talin jireen, waxayse heleen tab uga nacfi badan, ugana dhib yar dagaalka, waana la dagaallanka maskaxda.

 

Nimankii kiristanka ahaa waxay dunida islaamka ku soo qaadeen dagaal maskaxeed oo ay dadka diinta uga fogeynayaan. Waxay ku indho-sarcaadiyeen horumarkii dhalanteedka ahaa, waxayna uga dhigeen inay ku gaareen inay diintii meel iska dhigeen. Arrin laga tago mid kale ayaa looga tagaaye, waxay bilaabeen inay abuuraan mabaadi’ kale oo ay ku beddelaan manhajkii islaamka, bulshadana ku dagaan. Waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo magacyo kala duwan leh, sida mabda’ii hantiwadaagga, hantigoosiga, qawmiyadda, dimuqraadiga, xornimoddoonka, cilmaaniyadda (diin la’aanta) iwm.

 

Waxaad mooddaa inay qaylo-dhaan ahaayeen, muslimiintana ku leeyihiin, “war annagaa diin ku dullowney ee ka hoos baxa culimada, kitaabkana iska tuura, sharcina sameysta aad markaad doontaan beddeli kartaan.” Dagaal labo dhinac ah ayey muslimiinta ku soo qaadeen, mid ciidan iyo mid maskaxeed. Wax ma garatadii waxay ku marinhabaabiyeen oo ay ka dhaadhiciyeen in diinta oo la isku maamulaa ay dibdhac keenayso, intii wax garaneyseyna seef ayey kula dagaallameen. Waxay bulshadii ku dhex abuurteen kuwo aanay ka didsaneyn oo ay isku muuqaal yihiin, qalbi ahaanse ka duwan.

 

Mabda’a diin-la’aantu (Cilmaani) wuxuu ka mid yahay mabaadi’da ugu saameynta badan ee lagula dagaallamo islaamka. Mararka qaar mabda’aa waxaa loogu yeeraa magaciisa rasmiga ah oo ah “diin-la’aanta”, marna “kala duwidda diinta iyo dowladda, ama diinta Alle ayaa iska leh, waddankana bulshada”, mararna waxaa lagu soo hadoodilaa magacyo cusub sida dimuqraadiyadda.

 

Kalmadda “Cilmaani” (diin-laawannimo ama diin-la’aan) macneheedu wuxuu ku soo uruurayaa  qof ama bulsho aan diin lug ku lahayn oo aan ku dhaqmin, diintuna aanay soo faragashan arrimaha bulshada iyo siyaasadda, ingiriis ahaanna waa “Secularism”. Ereyga “Cilmaani” (haddii caynka la hoos dhigo)oo ah kalmad carabi ah waxaa dadka qaar u tiiriyaa inay ka timid “Al-cilmi”, ama “Calmaani” (haddii caynka la kordhigo) oo loo tiiriyo inay ka timid “caalam”, waxayse ahayd inay noqoto marka alif iyo nuun lagu siyaadiyo “Alcaalamaani”, laakiin macnaha loo jeedaa ee loo yaqaan waa in la kala saaro diinta iyo dawladda. Diintu inay ku koobnaato masaajidda, maamulka dawladduna uu noqdo mid aan diin wax lug ah ku lahayn.

 

Diin-laawannimadu waxay ka bilaabantay Yurub, waxayna lahayd sababo ay ku bilaabantay, kuwaas oo ahaa kuwo diineed, taariikheed oo aan lagu dabbakhi karin muslimiinta, waxaana ka mid ahaa:

  • Dhalan-roggii diinta Nasaarada (Kiristanka), taasina waxay keentay in Alle iyo aadanahaba lagu xadgudbo. Midda kale diinta nasaaradu, waxay ku kooban tahay cibaado iyo akhlaaqiyaat, waxayna rumeysan yihiin ereyada laga soo guuriyo Nabi Ciise (CS), “Qaysar wuxuu leeyahay u daa, Allena wuxuu leeyahay u daa,”, macneheeduna yahay diintu kaniisadda ha ku ekaato, maamulkana faraha ha kala baxdo, Islaamkuse waa khilaafsan yahay. Islaamku waa caqiido iyo shareeco taabanaya dhan kasta oo nolosha bulshada ah, haddii ay noqon lahayd cibaado, xuquuq, waajibaad, dhaqaale, siyaasad, maamul, arrimaha qoyska, xiriirka muslimiinta dhexdooda iyo midka dadka aan  muslimiinta ahayn, heshiisyada, iwm. Taas ayaa keentay inaanu qofka masiixiga ah ka didsaneyn qaanuun loo dejiyey, halka Islaamku aanu aqbaleyn, waayo isagaa dhammeystiran.
  • Amar-ku-taagleyntii iyo dulmigii ay wadaaddada diinta kiristanka ay dadka ku hayeen, arrimaha oo dhanna ay gacanta ugu jirtey kaniisadda. Waa natiijo ka dhalatay dhalanroggii kitaabkii Alle u soo dejiyey, mirihii laga gurtayna ay noqdeen diin la’aan. Waa dulmi lagu xalliyey mid ka weyn, ama kud ka guur oo qanje u guur.
  • Xilligii dagaallada ba’ani ka dhex socdeen muslimiinta iyo kiristanka ayaa waxay arkeen horumarka ay dadka muslimiinta ahi sameeyeen iyo halka ay cilmiga ka gaareen. Waxay u arkeen inay kaniisaddu la hartay, dadkana ka horjoogto inay horumar sameeyaan. Taasi waxay keentay colaad iyo cadaawad ka dhex abuurantay bulshada iyo kaniisadda. Waxaa bilowdey kacdoonkii ka dhexeeyey aqoonta iyo kaniisadda. Kaniisadda oo bulshada u diiddaneyd inay ka hoos baxaan iyo ummaddii oo ka gadoodday dulimigii ayaa foodda isdaray. Taa lidkeed, Islaamku wuxuu dhiirrigeliyaa cilmiga iyo waxbarshada, taasina faahfaahin uma baahna.

 

Shiikh C/llaahi Aljabariin wuxuu u qaybiyey fikirka Diinlaawannimada labo qaybood, wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa (Cilmaaniyadda iyo miraheeda xun):

Midda hore waxaa lagu magacaabaa (العلمانية الملحدة) waana fikrad ka soo horjeedda jiritaanka Alle iyo diimaha, shiikhuna wuxuu sheegay fikraddaa gaalnimadeeda inaan muran ka jirin. Midda labaad waa midda lagu magacaabo (العلمانية غير الملحدة). Fikraddani ma inkirayso jiritaanka Alle, laakiin waxay diiddan tahay in diintu lug ku yeelato arrimaha dawladda iyo adduunyada, waxayna ku baaqeysaa in diinta iyo dawladda la kala saaro. Shiikhu wuxuu sheegay in fikraddani ay ka khatar badan tahay middii hore marka la eego sida ay u marin habaabiso bulshada. Maaddaama aanay fikraddani diiddaneyn jiritaanka Alle, dad badan ayaa ku dagma xaqiiqda fikraddan, kuna baraarugsaneyn waxyaabaha gaalnimada ah ee ku hoos duugan.

Wax badan oo dadka muslimiinta ah waxay ku dagmaan in qofku soo daliishado aayado iyo axaadiis, ama uu tixraaco shiikh bulshada dhex deeda qiimo ku leh, si dadka cilmiga gaabani ugu qaataan inuu qofkani daacad ka yahay wuxuu sheegayo. Taasi waxay keentay inay fikraddooda si fudud dadka ugu dhexfaafiyaan iyagoon dadka caamada ahi ka didsaneyn. Mararka qaar waxay soo daliishadaan qorayaal aan muslimiin ahayn, waxayna ammaanaan aragtidiisa iyadoon dadka loo caddeyneyn. Tusaale ahaan, qoraal aan gadaal ku xusi doono, wuxuu soo xigtay nin nin la yiraahdo Ibnu Al-Muqafac oo ahaa wadaad sare oo kiristan ah oo reer Masar ahaa, noolaana xilligii dawladdii Faadimiyiinta Masar ka talinayeen. qoraagaasu sidan ayuu u sifeeyey, “Ibnu Muqafac oo noolaa qarnigii 4-aad ee hijriyadda nebiga (SCW), laguna tiriyo inuu ka mid yahay aqoon-yahannada carbeed kuwooda ugu tugtugta roon….” Aqoon-yahan carbeed haddii la yiraahdo caamada waxaa maskaxdooda ku soo degdegaya inuu nin muslim ah yahay, maaddaama Carabta intooda badani ay muslimiin yihiin.

 

Shiikh C/llaahi wuxuu soo xigtay Shiikh C/casiis Ibnu Baas isagoo ka hadlaya waxyaabaha islaannimada buriya, wuxuuna sheegay in islaanni mada looga baxo, in la rumeeyo in sharciga dadku dagsadaan uu ka fadli badan yahay shareecada Islaamka, ama sharciga Islaamku aanu ku habbooneyn qarniga labaatanaad, ama islaamka ayaa sabab u ah dibdhaca ummadda, ama in shareecada lagu koobo xiriirka qofka iyo Allihiis oo aan arrimaha kale ee nolosha aanay lug ku lahayn.

Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi wuxuu ku yiri kitaabkiisa Al-islaam Wal-cilmaaniya Wajhan Liwajhi, “Cilmaaniga diiddan aragtida ah in la isku maamulo Shareecada Islaamka, magac ahaan ayuu muslim yahay, waase murtad si cad islaamka uga baxay, waxaana waajib ah in la weydiiyo inuu ka soo noqdo, lagana saaro wixii isaga dheeh galay, xujadana lagu oogo, haddii uu diidona qaadigu wuxuu ku xukumayaa inuu diinta ka baxay. Waxaa laga saarayaa u nasab-sheegashadii islaamka, jinsiyaddii islaamkana waa laga qaadayaa, waxaana la kala kaxeynayaa isaga iyo xaaskiisa iyo awlaaddiisa, waxaana lagu socodsiinayaa xukunka kuwa diinta ka baxay, geeri iyo nololba.”

 

Fikradda calmaaniyadda waxaa ka dhalanaya arrimaha soo socda:

  1. In la diido isku xukumidda sharciga Alle, dadkana loo tuso inuu yahay sharci aan dhammeystirneyn. Taasi waxay ka hor imaaneysaa aayado badan oo Alle noogu sheegay in diintu dhammaystiran tahay dhan kasta, Allena aanu waxba ka tagin.
  2. Waxaa dhalan-rog lagu sameynayaa taariikhdii islaamka iyo horumarkii uu dunida gaarsiiyey. Waxaa dadka looga dhigayaa in qarniyaddii ay muslimiintu dunida hoggaaminayeen cilmi ahaan iyo horumar ahaanba ay ku gaareen inaanay sharciga ku dhaqmeyn, markii ay Islaamka ku dhaqankiisa bilaabeenna ay dib u dheceen. Arrinkaas waxaanan xataa laga dhaadhicin karin cadowga islaamka, waxayna garowsan yihiin in muslimiintu ay horumar ku gaareen markii ay diinta isku xukumayeen, markii ay ka jeesteenna ay dulli ku dheceen.
  3. In bulshada lagu faafiyo dhaqan xumada iyo diin la’aanta, arrinkaas oo ay hadda la ildaran yihiin kuwii arrinkaa dabada ka riixayey, waa reer Galbeedkee. Waxay qirayaan inay dhaqan iyo asluubba ka tageen, taasna ay ku keentay inay bulshadii diin iyo akhlaaqba baaba’day.
  4. In lala dagaallamo dhawrsanaantii iyo anshaxii dumarka, lalana dagaallamo xijaabka iyo kala soocnaanta labada jinsi. Qof caqli iyo garasho leh looga sheekayn maayo dhibaatada haysata kuwii arrinkaa fasaxay iyo in ragga iyo dumarku is dhexyaacaan iyo bulshooyinkii fikraddaa ka qaatayba.
  5. In la baabi’iyo walaalnimada islaamka, dadkana loo fasaxo inay rumeeyaan waxay doonaan. Taasi waxay keentay in dadka lagu beero inaan diin waxba lagu kala saarin ee la isku aanaysto qabiil, qawmiya, waddaninnimo iyo wixii la mid ah. Macnaha, qofka muslimka ah ee Sucuudiga ku nool waxaa kaaga sokeeya midka gaalka ah ee aad isku reerka tihiin, iyadoo Alle qofka gaalka ah ku tilmaamay inuu cadowgii Alle yahay. Waxay ka soo horjeeddaa mabda’ gundhig ah oo ah (  والبراء الولاء) in Alle darti la isku xiriiriyo, la iskuna gooyo.
  6. Si boor la isugu qariyo, caammadana loo dago, in shareecada islaamka laga dhigo caqiido iyo cibaado, oo aan laga helayn wax la isku maamuli karo oo sharci laga dhigto. Caqiidadu inay tahay xiriirka qofka iyo Rabbi ka dhexeeya, laakiin sharcigu uu ummadda oo dhan u dhexeeyo, sidaa darteedna sharci la isku waafaqsan yahay bulshadu sameysato. Waxay la mid tahay iyadoo la yiri, “Diinta kama helayno waxaan ku kala baxno haddii aan arrimo dhaqaale, mid dhaqan, dhiig, maamul, iyo wixii la mid ah aan isku qabsanno, laakiin arrimaha cibaadada waan ka helaynaa.” Middaa ayaa dhashay in la yiraahdo diintu masaajidda ha ku koobnaato, bulshaduna wixii ay isku maamuli lahayd, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo wixii la mid ah iyadu ha abuurato.
  7. In nolosha loo qaybiyo mid diini ah iyo mid aan diini ahayn. Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi wuxuu ku yiri kitaabkiisa Al-islaam Wal-cilmaaniya Wajhan Liwajhi, “Islaamka kuma jirin, sida xilliyadan dambe la arkay, arrimo diini ah iyo kuwo aan diini ahayn. Islaamka ma jirin dad lagu magacaabo kuwo diineed iyo kuwo kale oo lagu magacaabo kuwo cilmi, ama siyaasad ama adduunyo. Islaamka lama aqoon labo xukuumadood; dawlad diini ah iyo dawlad muddeysan ama adduunyo ah. Sidoo kale Islaamka laguma aqoon diin aan siyaasad shuqul ku lahayn iyo siyaasad aan diin shuqul ku lahayn. Diintu waxay ku labneyd nolosha oo dhan, sida jirka iyo naftu isugu laban yihiin, mana jirin shay dhan u baxsan oo la yiraahdo “naf” iyo mid kale oo dhan kale u baxsan oo “jir” lagu magacaabo. Sidaas oo kale ayey ahaayeen diinta iyo aqoontu, ama diinta iyo adduunyadu, ama diinta iyo dawladdu. Cilmaaniyaddu waa badeeco Galbeedka laga keenay, dhulkeennana aan ka abuurmin, kumana habboona diinteenna iyo qaab-fikirkeenna.”
  8. Waxay fasaxeysaa qofku inuu diin ka dhigto waxa uu doono, cidduu doonana uu caabudo, halka mabda’a Islaamku yahay inuu qofka muslimka ahi shareecada raaco, Alle keliyana caabudo. Sidoo kale, Shareecadu waxay leedahay siyaasad cad oo ku wajahan sida loola dhaqmayo dadka aan muslimka ahayn ee ku dhex nool. Islaamku waa mabda’ ku dhisan hadalkii Ribciyi Ibnu Caamir (RC) ee uu ku yiri hoggaamiyihii Furus, “Alle wuxuu noo soo saaray inaan dadka ka saarno caabudidda addoomada kale, una saarno caabudidda Alle keliya..”.

 

Waxaa wax lagu farxo ah in fikraddaasi aan maanta lagu khaldi karin bulshada, iskaba daa xerta iyo qalinleyda, qofkii qabaana uu agtooda ka yahay diin-laawe. Qofkii diin ka dhigta waxaan Alle soo dejin, kuna dooda inaan shareecada lagu maamuli karin dawladda, wuxuu la mid yahay qof yiri, “Bulshada anigaa uga aqoon badan Allihii abuurtay, sharcigiisa haddii ay ku dhaqmaanna waxay la kulmayaan dibdhac, sidaa darteed waxaa habboon inay iyagu sharci dagsadaan.”

Ibnu Kathiir, isagoo sharxaya aayaddan :

(أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ)

“Allaah wuxuu inkirayaa kuwa xukunkiisa diiddan, xukunkaas oo ah mid kulansanaya wax kasta oo khayr ah, reebayana wax kasta oo shar ah, kana leexanaya aragtiyada iyo hawo-raacnimada ay dadku degsadeen iyagoon u tiirineyn sharciga Alle. Sidii ay ahaan jireen dadku xilligii jaahiliyadda oo ay isku xukumi jireen baadida iyo jaahilnimada, kuwaas oo ay ku dejiyeen aragtidooda iyo baadidooda. Sidii ay isku xukumi jiren Tataar ee ahayd siyaasaddoodii boqortooyada ee ay ka qaateen boqorkoodii Jankazkhaan, kaas oo uu u dejiyey Al-yasaaq ama Al-yaasiq. Wuxuu ahaa kitaab lagu uruuriyey axkaam ay ka soo qaateen diimo kala duwan, sida Islaamka, kiristaanka iyo yuhuudda iyo weliba axkaam uu isagu dejiyey. Wuxuu noqday kitaab ay ku dhaqmaan warasadiisii, ayna ka hormariyaan Kitaabka Alle iyo sunnada Nabiga (SCW). Qofkii iyaga ka mid ah oo sidaa sameeya waa gaal ay waajib tahay in lala dagaallamo inta uu ugu soo noqonayo Kitaabka Alle iyo sunnada Nabiga (CSW), iyaga keliyana uu ku xukumo wax yar iyo wax weynba.”

Sidoo kale, Ibnu Kathiir wuxuu kitaabkiisa Al-Bidaaya Wanihaaya ku sheegay inay culimadu ku kulmeen gaalnimada nimankii Tataarka ee xukunka sameystay. Haddii ay sidaa yihiin kuwii Islaamka waxuun ka soo qaatay, laakiin waxyaabo kale oo ay diimaha kale ka soo qaateen iyo waxay iyagu hindiseen ku daray, muxuu noqonayaa midka hadda leh, “diinta dawladda waa in laga fogeeyaa, dawladdana waa in lagu maamulaa nidaam calmaani ah, dawlad diin ku dhisanina  waxay la macne tahay bulsho uu ka dhex aloosan yahay loollan iyo dagaal sokeeye.”

Shiikhul Islaam Ibnu Taymiya wuxuu yiri, “Shaki ma leh inuu gaal yahay qofkii aan rumeysneyn inay waajib tahay in la isku maamulo wixii Alle rasuulkiisa (SCW) ku soo dejiyey. Qofkii xalaaleysta inuu dadka ku maamulo wixii uu isagu u arko caddaalad, oo aan Kitaabka Alle raaceyn waa gaal.” Shiiku hadalka isagoo sii wata ayaa wuxuu soo qaaday dadka isku dhaqa waxyaabaha caadooyinka ah ee ay iyagu dagsadeen, wuxuuna yiri, “qoladaasu haddii ay ogaadaan inaanay bannaaneyn in la isku xukumo wixii Alle soo dejiyey waxaan ahayn, sidaasna aanay yeelin, iskana xalaashadaan inay isku xukumaan wax aan Alle soo dejin, kuwaaso waa gaalo.”

Qoraalkan gaaban waxaan uga dan lahaa inaan baraarujiyo qormo ku soo baxday warside la yiraahdo Kasmo 11-kii Abriil, 2013, tirsiga 355, kana soo baxa magaalada London. Qormada waxaa cinwaan looga dhigay, “Siyaasad aan sixir lahayn: Ha la idiin duceeyee kala duwa Diin iyo Dawlad.” Waxaa ka muuqdey sawir markii la turjumo lagu qeexi karo, “Islaamku waa dib-u-dhac, diin-la’aantuna waa horumar!”  Waxaan arkay dad badan oo ku xoonsan warsidaha, lana yaabban aragtida qoraalku xambaarsan yahay. Qoraalkii ayaan akhriyey, waxaana la isweydiiyey qoraha maqaalka iyo caqiidada uu aamminsan yahay. Waxaa dadkii u soo baxday sida fikradda maqaalku xambaarsan yahay iyo shareecada islaamku ay u kala fog yihiin. Waxay dadkii la yaabeen dhiirranaanta qoraha iyo sida aan gabbashada lahayn ee uu u taakeerayo fikradda diin-la’aanta (cilmaaniyadda).

Anigoo qoraalkan qoraya ayaa nin isoo dul istaagay, waxaanan u bandhigay inuu qormada isha mariyo. Qoraha  oo sawirkiisu ka muuqdo bogga ayuu eegay, kaddibna cinwaankii ayuu isha la raacay. Wuxuu la soo boodey in muuqaalka qoraha iyo cinwaanku aanu is lahayn, wuxuuna yiri, “War ninku nin sunnadii ay ka muuqato oo akhyaar ah ayuu u egyahay, cinwaankusa islaannimada ka fogaa!”.

Waa farriin ku wajahan muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida, ugana digeysa aragtidaa qalloocan. In lagu baraarugsanaado dagaalkaa cad ee shareecada Islaamka lagu hayo. Inaan lagu dagmin muuqaalka qofka, lana ogaado tabaha hadda la isticmaalo inay ka mid tahay in dadka la isku ekaysiiyo si aanay u didin. Sida aan ku xusay buug aan qoray oo la yiraahdo, “Tarankii Qurbaha Tagey”, waxaa hadda meesha ka baxay hal-ku-dhigii la oran jirey, “Soomaalidu boqolkiiba boqol waa muslim”. Markii aad aragto nin Soomaaliyeed ha liqi waayin inuu matalo oo uu u hadlo cadowga Islaamka, faafiyona aragti diinta dhaawacaysa oo ka soo horjeedda.

Qoraalkan wuxuu hordhac u yahay buug aan rabo inaan fikraddan qalloocan uga hadlo oo aan ku hawlanahay diyaarintiisa, haddii Alle idmo.

 

C/qaadir Cabdille Diini

Julaay67@gmail.com

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online