Abu Mansuur Al Amriiki oo sheegay in uu ka badbaaday isku day lagu dili lahaa[Masawiro]

April 26, 2013 - Written by Editor

abuMuqdisho :-Sida lagu faafiyey barta twitterka ee uu leeyahay Abu mansuur Al-Amriki ayaa waxaa uu sheegay in kooxo ay weerar ku soo qaadeen oo  ay khaarajin lahaayeen waxaana uu sheegay in ay qadaadka uu dhaawac ka soo gaaray  balse ay xaaladiisa ay wanaagsan tahay .

Cumar Xamaami ayaa qoraalka uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay inuu ka badbaaday isku day dil waxaana uu eed u soo jeediyey Amiirka kooxda Al-Shabaab Ahmed Cabdi Godane wuxuna ku tilmaamay nin waalan oo dagaal sokeeya ka dhexridaya Mujaahidiinta.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa ka mid ahaa saraakiisha tababarka siiya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab waxaana uu dhowr mar qeylo dhaan soo galiyey Internetka isaga oo sheegay in naftiisa ay ku jirto halis oo ay dilayaa Al-
Shabaab.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay marka weerarka lagu qaaday in uu fadhiyey Maqaaxi wuxuuna soo dhigay bartiisa  Twitter-ka 4Masawir oo uu leeyahay oo mid ka mid ah uu ka muuqdo dhiig.

no images were found

Ilaa haatan ma jirto cid jawaab ka bixisay eedeymaha uu soo dhigay Abu Mansuur Al-Amriki barta uu Twitter ku leeyahay ee Abu Marsuur Al-Amriki Eeg halkan

no images were found

Hoos ka Daawo Qeylo dhaan uu horay u soo diray Cumar Xamaami Abu Mansuur Al-Amriki oo horey loogu faafiyey somalimuhajirwarrior

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Salaamu Calaykum

    Wax la yaab ah maaha in ay iyaga dib isku cunaaan mujrimiita dalka dhibaatadda ka geystay waxaana alle mahadiis ah in ay banaanka u soo baxday dhibkii ay sheegi jireen culumada Soomaaliyeed balse wax qarsan ee soo bixi doona ayaa ka daran

    Wasalaamu calaykum

Leave a comment

*