Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas,Dowllada Kenya waa iska la shaqaynaynaa in aan la dagaalano Alshabaab.(Video)
October 25, 2011 - Written byTalaado, Oktoobar 25, 2011 (Halgan) — Ra’iisul wasaaraha DFKM, Prof C/weli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyay maanta wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Canada ayaa sheegay inay dowlladiisu ay kala shaqaynayso in ciidanka dalka Kenya ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab, Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa xusay in DFKM ay muhiim u tahay taageerada caalamka gaar haa Dowllada Kenya si meesha looga saaro ururka Al-shabaab oo uu ku eedeeyey in falal afduub ah ay ka geysteen gudaha dalka Kenaya isagoo sheegay in xeebaha Malindi iyo Laama ee ku yaal Kenya ay haawanayaan taas oo ay ugu wacan tahay afduubo ka dhacay goobahaas.
Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in dalka Kenya ay ku sugan yihiin ilaa 5000 kun oo soomaali qoxooti ah iyagoo ku nool Dhadhaab taasna ay ugu wacan tahay in ururka Al-shabaab ay dadkaas qixiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Hadalka Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof C/weli Gaas ayaa aad uga mowqif duwan hadal shalay uu jeediyey Madaxweynaha DFKM Sh. Shariif oo xusay in DFKM iyo shacabkuba aysan raali ka ahayn in ciidamo Ajanabi ah ay dalka Soomaaliya soo galaan iyagoo wax ogolaasho ah aan ka haysan DFKM iyo Un-ka iyo IGAD.
Hoos ka Daawo waraysi kooban oo uu Star siiyey Raiisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas