Dowro diini ah oo qaar ka mid ah ardayda Machadka Ibnu xajar loogu soo gabagabeeyay Boosaaso[Masawiro]
May 17, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Dowradaani oo ay soo qabaqaabiyeen lajnada nashaadaadka ee machadka, ayaa si gaar ah loogu qabtay qaar ka mid ah ardayda dhigata Machadka ibnu xajar Al-casqalaani, iyadoo socotay mudo bil ah.Gabagabadii dowrada ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay waxa loo qabtay ardaydii ka faa,iidaysatay dowrada, iyaagoo halkaa lagu gudoonsiiyay shaqaado ka qayb galid dowro.
Xafladan lagu soo afmeeray dowrada ayaa waxa goob joog ka ahaa Masuuliyiin ya ka mid ahaayeen, Maamulka Machadka Ibnu xajar, mu’asasada Al-minhaaj iyo arday Farabadan oo ka mid ah ardaydii dowradan soo dhamaysatay.Guddoomiyaha lajnada nashaadaadka ardayda Ustaad C/xamiid Axmed Muumin oo ugu horayn Munaasabadan ka hadlay ayaa ka warbixiyay Dawradaan, wuxuuna Tilmaamay in dawradani oo mudo bil ah socotay loogu talagalay in kor loogu qaado tayada aqooneed ee dhalinta Soomaaliyeed.
Ustaad c/xamiid ayaa intaasi ku daray in dawradani lagu bixiyay duruus la xiriirta Culuumta Islaamka iyo barashada kutubta diiniga ah.Maamulaha Machadka Culuumta Islaamka iyo Barashada Luuqada Carabiga ee Ibnu xajar siciid cusmaan yuusuf( siciid dayib) oo isna ka hadlay munaasabada ayaa ugu baaqay ardeyda inay bulshada uga faa’ideeyaan aqoonta ay heleen sidoo kalana ay kula laabtaan guryahoodii iyo ehelkoodii baahida weyn u qabay iftiiminta diinta Islaamka.
Guddoomiyaha waxbarashada iyo Dacwada ee Mu’asasada Al-Minhaaj qaybta Gobolka Bari, Kana mid ahaa Macalimiintii Dowrada Wax ka bixinaysay Ustaad Saciid Maxamed Diiriye oo isna xafladan ka hadlay ayaa xusay muhiimada ay leedahay barashada diinta iyo ku dhaqankeeda, isagoona dhalintii dowrada loo qabtay ku booriyay inay ku dhaqmaan waxay barteen siina gudbiyaan.
no images were found
Gabagabadii xaflada ayaa maamulka machadka ibnu xajar waxay gudoonsiiyeen shahaado kasoo qayb gal dhamaan ardaydii dhamaysatay dowrada. Sidoo kale waxa uu maamulku shahaado sharaf gudoonsiiyay macalimiintii dowrada bixinaysay.
Machadka ibnu xajar Al-casqalaani
Boosaaso,Somalia