Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland oo xukun lagu riday.[Cod/Masawiro]
May 17, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ay xukun ku riday 14 askari oo ka tirsanaa Ciidanka badda Puntland ka dib markii ay sameeyeen gadood ciidan. 14 askar ee maanta la soo taagay Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee dowladda Puntland ayaa waxaa ay gadood ciidan ay ka sameeyeen xarunta ciidanka badda Puntland ee PMPF ee ku taal degaanka Qow ee gobolka Bari.
14 askari ayaa waxaa lagu xukumay mid kiiba 5 sano oo xariga balse waxaa loo ogolaaday in ay racfaan ka qaadan karaan xukunka lagu riday mudo dhan 30 cisho halka saraakiil ka tirsanaa ciidanka badda Puntland loo soo celiyey xoriyadoodii ka dib markii lagu waayey wax danbi ah.Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sidda ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo sheegay in haddii aysan askarta la xukumay aysan wax racfaan ah aysan qaadan uu xukunku dhaqan geli doono.
Dhinac kale Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sidda ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in maxkamada la horkeenay 3 eedeysane oo ku lug lahaa labo gaari oo xamuul ah oo bishii 8-aad ee sanadkii la soo dhaafay ee 2013 lagu gubay tuulada loo yaqaan Yalho ee gobolka Bari in beri la soo taagi doono Maxkamada halka ciidanka Booliska Puntand lagu amray in ay soo qabtaan eedeysanayaasha kale ee maqan.
no images were found
Hoos Ka Dhagayso Guddoomiyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/g8i49udfet/eedaysanayaal.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net