Buri’ Hamza oo kala hadlay Madaxa Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya tababarida Shaqaalaha dowladda.
May 17, 2014 - Written by EditorMogadishu, May 17, 2014-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ahmed Mohamed Adam oo ah Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya , iyadoo kulanka looga hadlay balaarinta gargaarka cunno iyo dawo ee Ururka uu gaarsiiyo Soomaaliya .
Kulankani ayaa waxaa sidoo kale lagu faaqiday dib u dejinta barakacayaasha iyo fulinta heshiisyadii hore u kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ka codsaday Ururka Iskaashiga Islaamka inuu kaalin balaaran ka qaato tababaridda,tayeynta iyo sare u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha kala duwan ee dowladda , iyo fulinta mashaariic horumarin oo kala duwan oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Kulankani oo jawi heer sare ah ku dhacay ayaa ku idlaaday farxad iyo guul.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia