Dowradii Ardeyda ee Gaalkacyo oo maanta la soo Afmeeray (Masawiro)
June 12, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Maanta oo taariikhdu tahey 14 Shacbaan, 1435H kuna began 12 June, 2014, waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu soo gaba gabeeyay Dowro u socotey Ardeyda Dugsiyada Sare ee Dhanka Koonfureed ee Dowlada Gal-mudug.
Dowrada oo socotey 6 cisho, waxaa abaabulkeeda & qabashada laheyd Mu’asasada SAFA ee Dacwada & Horumarinta, waxaana ka faa’iideystay Ardey dhan 150 oo kala socotey Dusgiyada Sare ee Galmudug.
Duruus kale duwan oo kor u qaadaya aqoonta & garaadka ardeyda ka qeyb gashey ayaa ka baxey Dowrada intii ay socotey, waxey noqo neysaa tii ugu horeysay ee loo qabto ardeyda, waxaana la filaya sanadaha danbe sidoo kale in loo qabto.
Qeybo ka mida duruusta sidoo kale ka baxdey Dowrada Ardeyda ka faa’iideystey waxey u gogol xaarayeen sidey Waxbarasha cusub ee Jaamada u waajahayaan. Waxey sidoo kale ku qaateen duruus ku saabsan Waajibka ka saran ixritaamka bulshada ay ku dhex nool yihiin gaar ahaan Culimada & Dadka kale ee cilmiga ka qaadanayaan.
Xafladii xirtaanka ee Dowrada waxaa ka soo qeyb galey Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Maxamed C/qaadir Xaashi, Gudoomiyaha Jaamacada Gaalkacyo, Ma’uuliyiin ka socotey Mu’sasada SAFA, Culimo udiin, Ganacsato iyo qeybo kale oo ka mida Bulshada Maagaalada.
no images were found
Ugu danbeyn Xaflada xiritaanka ee Dowrada waxaa shahaado ka qeyb gal la gudoon siiyey Ardeydii ka faa’iideysatey
المحاضرة الثالثة | المحاضرة الثانية | المحاضرة الأولى | الأيام |
إدارة الوقت | دور الطالب في الدعوة | عقيدة المسلم | اليوم الأول |
كيف تنجح في الحياة | طلب االعلم الشرعي | عصمة الدم المسلم | اليوم الثاني |
فن التعامل مع الناس | المسؤولية كلكم راعي | بر الوالدين | اليوم الثالث |
كيف تختار تخصصك الجامعي | اتق الله حيثما كنت | أخلاق النبي صلى الله عليه وسلم | اليوم الرابعة |
علو الهمة | العلماء ورثة الأنبياء | أخلاقيات الفتاة المسلمة | اليوم الخامسة |
Musasat Al-Safa
Gaalkacyo
Halgan.net