SAHAY-QAADO Tix gabay ah Abwaan Ismaaciil Maxamed Cali

December 18, 2014 - Written by Editor

IsmailAsc ilaahay swt waxa uu  yidhi Naf kastaa waa tii geeri dhadhaminaysa nebiguna scw waxa uu yidhi (badiya is xasuusinta macaan dumiyaha) haddaba waxan rabaa inaan walaalaha la wadaago  tix gabay ah oo aan u magac bixiyay SAHAY-QAADO  gabayga  magaca waxan uga soo dheegtay  aayadda ilaahay inna yidhi SAHAY- QAATA SAHAY LAQAATANA WAXA UGU KHAYR BADAN ALLE KA CABSI haddaba, tixdu waxay ka hadlaysaa, ajasha, geerida, sakaraadka, su’aasha qabriga, iyo sida qof waliba camalkiisa uun  ugu badbaadayo  qofkii camalkiisu la hadhano cidi badbaadin mayso waxna u tari mayso sidaa awgeed tixdu waa is baraarujin iyo inaynu is xasuusino inaynu u diyaar garawno aakhiro iyo waxaynu ilaahay la hor tegi lahayn haddaba tixdu waxay tidhi

Su’aalii qabriga ruuxa ogi, seexan kari waaye adoonkii qalbigu saafiyaa, saamaxaad raba’esallallaahu nebigii wacnaa, sawrac muu ladinesuubanuhu waxyibuu ku yidhi, saafir ku ahawesijinbuu ka yeeshaa qofkii, saalixa ahaayesaahidbuu ahaadaa ninkii, saakiyee dhabiye

sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye

inkastuu saqaafoo nafluhu, socod ku taamaaba

inkastuu sareedada aduun, saaca ku jiraaba

inkastuu saxiyo caafimaad, kugu salaamaaba

inkastuu sacaadiyo ladnaan, sabo ku jiifaaba

inkastuu sabaan iyo dharaar, sado ku joogaaba

inkastuu nabaadiino sugan, samo ku gaadhaaba

naftuunbaa mar laga siibayaa, saacad ay noqone

wakhtigiisu ruuxuu sar go’ay, ruux ma saacido’e

ma sasabo qof geerida ninkay, ajashu saaqdaaye

sikin lama dib dhigo ruux hadii, uu sadkii go’a’e

seeftaa guddoontoo illayn , saayiraad ma lehe

sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye

marka ruuxda laga saarayuu, suuro midabkiisu

ehelkuna sulaaqmee dhamaan, murugo saamayso

suuradaa markii lagu tufiyo , saadka iyo nuunka

saxo iyo digtoor iyo markii, saalim laga quusto

ee saaqba saaq lagu rogiyo, siiqa iyo taaha

sakaraatul mawdkaa markaa, saani hawl gala’e

ruuxdaa markaa laga sidaa, laga sadqeeyaaye

samirbaa la qaataa halkaa, saabiroo dhaba’e

sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye

marka sulufta laga maydho ee , kafanta loo siibo

ee suudhka lagu giijiyiyo , marada suufkeeda

ayuunbaa xabaashii la sugay, iilka la simaaye

markaasaa salaadii halkaa , lagu salmeeyaaye

markaasaa la wada saamaxaa, uu sagootiyaye

isagoo sabooloon adduun, saanad uga qaadan

ayuunbaa la seexshaa luxdiga, saakinkii dhaba’e

sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye

saddexdii xaqiiqaa qabriga, lagu su’aalaaye

markaasuu adoonkii samaa, sax u jawaabaaye

markaasaa siraadkii jannada , lagu sakeeyaaye

markaasuu adoonkii sirraa, salal dayoobaaye

markaasaa saqara loo furaa, suluf cadaabeede

halkaasuu qiyaamaha sugaa, silica naareede

sahay qaado ruuxyohow aduun, saami noqon waaye

ismaaciil maxamed-cali
ismaaciil6666@hotmail.com
Lieksa finland

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online