Soomaalida & Adduunka! (Diriishadda Nairobi) W/Q Sh Maxamed Idiris

January 23, 2015 - Written by Editor

idirsNairobi:-Dadka Soomaalidaa dadnimadu kuma yara, hankoodu ma xuma, indha adaygana qayb weyn ayey ku leeyihiin, oo midkood isagoo hadda baadiye ka soo galay ayuu magaalada dhan jecelyahay inuu iibsado, marar badanna wey u suurta gashaa!

Ilbaxnimadu kuma badna (xadaaradda) waayo waa dad xoola dhaqato u badan. Reer Guuraana ah. Professorkooda Jaamacadaha Adduunka ugu Sarreeya ka baxay iyo Ummigooda aan Xarafka kicin karin, marar badan isku si ayey u dhaqmaan oo lama kala garto!

Maadaama ay reer guuraa baadiye ka wada yimi u badan yihiin, Qabyaaladda ayaa Salka Fadhida, oo markii xoogaa yar la dhudhumiyo, halkaas ayuu gunta isugu biya shubtaa, ama kusoo ururaa!

Ummadaha Ilbaxnimadu Xoogaa ku duxdo, wexey qiimeeyaan Qaran nimada, laakiin Kuwa baadiyihu wexey Qiimeeyaan Qabyaaladda! Kuwa hore Wadajirk ayaa ku weyn, Kuwa dambe Reerka Keliya ayaa la weyn! Kuwa hore si fog ayey u fekeraan illeen waa deggan yihiin, kuwa dambe daaqa maalintaas ayey ku fekeraan illeen berri waa ka guurayaan.!

Magaalada Nairobi waxaan ku Arkay Cajaa’ib, markaan Cabbaar u fiirsaday, fasirkooda aan arrimahaas ku Cilleeyey, Ceeb maaha laakiin waa Cibro, waxaanan rajaynayaa in faalladaa laga Faa’iidaysto.!!

Asxaabtayda Nairobi ama dalka Kenya waa dadka ugu badan ee Boggayga facebook ku xiran marka Soomaaliya laga Reebo, Mar marna iyagaaba kow ah, marka ayaamahaan oo aan u kuur gelayey aan idin la wadaago dhamaan inshallaah.

La soco….qaybaha kale

W/Q Sh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online