Faahfaahin Qaraxyo Culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho

January 2, 2017 - Written by Editor

fb70298c-3591-4cf3-80b2-31ad3fb23cde_w610_r1_sWararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laba qarax oo xooggan ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Dad gobjoogayaal ah ayaa sheegaya in labada qarax ay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah. Qaraxa koowaad ayaa ka dhashay baabuur lala eegtay bar kontorool oo ay maamulaan ciidamada amniga Soomaaliya una dhow garoonka diyaaradaha, halka qaraxa labaadna uu ahaa baabuur daba socday kan hore oo isna ku qarxay waddada u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo Peace Hotel, sida ay dadka deggan xaafaddaasi u sheegeen VOA.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in shan qof ay ku geeriyoodeen qaraxyada. Laba ka mid ah dadkaas waa shacab, halkan qof kalena uu yahay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda iyo labadii qof ee qaraxyada fuliyey.

Ciidamada AMISOM ee haya amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xaqiijiyey labada qarax ee ka dhacay Muqdisho, waxayna sheegeen in baadhitaan uu socdo.

Dadka magaalada ayaa VOA u sheegay in dhowaaqa qaraxyadu ay ahaayeen kuwo aad u culus, islamarkaana ay burburiyeen daaqadaha iyo saqafka guryo goobto ka ag-dhowaa.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online