Guddiga Madaxabaaan ee Baarista dilka Sh.Dr Axmed oo hellay sawirkii Macallin Maxamuud Xassan Cabdullahi

October 27, 2012 - Written by
Guddiga Madaxabaaan ee Baarista dilka sheekha wuxuu u mahad celinayaa walaalaha soomaaliyeed ee had iyo goor la garab tagan hiil iyo hooga, si Gudddigu u gaaro ujeedooyinka loo igmaday, waxaa naga soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh gaar ahaan: Mudane: IAD sawirka Macallin Maxamuud Xassan Cabdullahi oo ah macallinkii dugsiga Quranka ee Masjid Sunnah Garoowe oo ahaa ninkii kaxeeyay dhagarqabe: Axmed Maxamed Cali (Mustaf) ee aad ka daawateen cajalka qiraalka ah, guddigu wuxuu xaqiijiyay sawirkan  inuu yahay sawirka ninka ku xusan cajalka, wuxuu kale oo xaqiijiayay in Macallin Maxamud Xassan uu hadda ka tirsan yahay kooxda Amniyaatka ee ururka Al-shabaab.
NB: waxaan ka codsanaynaa  walaalaha muslimiinta ah inay nagu caawiyaan sawirada ragga hoos ku xusan:
1- Mowliid Maxamed Aaden (Gaashaan ama Cabdiwali)
2- Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar, (Dayax ama Ayaanle) magaca hooyada: Xaawo Maxamuud, ka baxay Dugsiga Sare ee Nugaal secondary School, laascaanood, 2008.
3- Cismaan Axmed-Qaasim aw-maxamed, (Ayuub) ku dhashay degmada Buuhoodle.Fadlan wixii faahfaahin oo aad ka hayso gacan ku dhiigalayaasha  la xiriir  awaxmad2011@yahoo.com
wadashaqayn wacan
Guddiga Baarista Dilka Sheekha
Bosaso-Puntland State of Somali

32 Comments so far

Leave a comment

  1. aad iyo aad ayaa ugu farhsanhy in la qabto laakin dee ninka jooga malysia hala soo qabto waayo wuxu jooga meel lagu ogyhy waana idinla gobynaa

  2. ASC.alle ha unaxristo sheikh Ahmed haji Janadii Fardoosana Alle Hageyo Lakin waxaan qabaa in carurtaan yar yar laga danbeyo cidii ka danbesay dilka iyo amarka iyo ninka gacanku dhiglaha in loo dilo sheikh carurtan 75 sano oo xarig ahna lagu xakumo hadii alle

  3. Dadkan waa xawayaanka oo kale waana ayinaceebayen waxan qabaa inaan waxbalala sugin ee sifoolxun loolaayo

  4. Al-xamdulilah!!!!!aad ban uga xumahay dilkii Sh. Ahmed Haji A/rahman(Rahmatullahi calayh)….waana uga tacsiyadaynayaa ummada Soomaliyeed guud ahaan. Allaaku mahadleh waxii natiijo lagaaray.

  5. aad iyo aad ayaan ayaan ugu faraxsanahay in la qabto dhagarqabayaashii dilay shiikh ahmed

  6. ASC, Ilaahay sakhiray baa mahad iska leh, guddiga adduun iyo aakhiro Ilaah ha xafido. FAANNOOLE FARI KAMA QODNA. Da’yartii waa la habaabiyay, ninkii weesadu ka qoyan tahay waa la ogaarsaday, caalim nooc kasta uu ahaa waa la gUmaaday, hooyooyinkii waa la gablamiyay, maxaa idiin haray reer Puntland oo far isku fiiqfiiq ah. WADA SHAQEEYA, QABIILKA DHAGAR QABAHA AYAA LAGU AQOONSANAYA HADDII LAGA MAARMI WAAYO ISTICMAALA HADDII KALE ISKA DAAYA, SHIDDO AYUU KEENAYA. TUUGGA, DILAAGA ISKU MEEL UGA SOO JEESTA, MA LEH KHAYR HADDUU KULA DHASHAY IYO HADDAAD DHASHAY MIDNA. SIDA DAWLADDA RUWANDA CAQABADAH GUDAHA KA GUDBA, OO U GUDBA WAX SOO SAARKA DALKA OO CAGIHIINNA KU ISTAAGA REER PUNTLAND.

  7. runtii wad mahad san tihiin halgan mida kale hadii aan nahay jaliyad malaysia waxan balan qadena in aan howsha dhankena ka qabno wixii noga aadan .

  8. Asc walayaak dhaan idin sallaamay dhamaantiiba.
    Tanlabaad waxaan dhamaan ugga tacsiyeeynayaa umadda soomaaliyeed.
    Waxaan jeclaan lahaa inaan anni ra’yi geeygga waxa aan kaqabo wiilka da’dda yar ee la qaldday.
    Illeey ha ka aqbalo toowbadda aamiin midda xigta waxaan dhamaan umadda sommaliyeey, reer puntlan iyo beesha Laylkase ka codsanayaa wiilka aad u yar ee hadanne la qaldday in alle dartii cafis la siiyo(illaahey baa wax cafiya) laa kiin dadku nne weey cafin kartaan annoo eegaya sidduu u hadlay daacaddane uu u yahay iyo sidda uu ugga toowbad keennay allaha ka aqballee.

    Manna ihi qof u dooddaya ama la ehel ah ama la qabiil ah soomaali baan waddaagnaa oo kali ah…

  9. asc: waan idin salaamayaa salaanta islaamka.salankadib waxan oranlahaa ama kutalo bixin lahaa hadii aan lala Degdegin akhbaarta lasoo saaray oo loogu- talo galay in umada Somaliyeed loosoo bandhigo wixii dhacay.Fadlan TV yada somalida udira si degdeg ah hana lasoo raaciyo meel xogta lagu soo gudbinkaro laakiin amaan u ah qofka wax soosheegi doona. idinka ayaa laga rabaa inaan qofkaas dib looga dabo tagi karin. waxa dhici doonta si sahal ahi inaad uheshaan insha allah,

  10. a.c.w.ilaahayow waa mahada kii ugu waynaa alshabaab allow soo qabo ilaahey ceebtii iyo cuqubadii aey geesteen alla waa soo dadajiyey aloowmaxeey maati kiciyeen allow maxeey culumo laayeen aloow maxeey caruur maskaxda ka xadeen aloow ku barinay ee haraadigooda baabi aloow adiga noo hiili amiiiiiiiim

  11. Ilaa hada ma maqal ini godone hala soo qabto see wax u jiraan mise isagu waa???????????????????

    dalimkaas halaga bilaabo ayaan qabaa cidii la qabanaayo hana la soo saaro shaashadaha sawirkisa si aan mushatamaca uga barno, sida kuwa kalema boo soo saaray, maxaa yeelay cadaald ma noqonoeyso in dhagar qabihii ugu weynaa falkuna ka soo fulay in la arki waayo sawirkiisi misa isaga kuwo kalaa lala sugin so intii isku mustawe ahba mar loo soo ban dhigo taasna waa wax ka fahmi karo. umu axmedeey allaah u mahad celi alhii maanta aan kaa mid dhigin dadka baadilka tageera.

  12. Waxaan ka mid ahaan jiray hooyooyinka qurbaha jooga ee taageera Shabaab, laakiin markii ILAAHAY ii bayaaniyay takfiirnimadooda ayaan ka haray. Waxaan culumada ka codsanayaa in dadka ila midkaa ee diin jacaylka u taagaara xaqa loo bayaaniyo, ayagana ILAAHAY looga baryo inay ka baxaan bara kicinta maatada haweenka & carruurta u badan. Shabaabna waxaan ku lee yahay iska daaya dadkaan aad Masaajidda hortooda ku laynaysaan & shacabka aad qaraxa dhex dhigaysaan.

  13. Asalamu kaleykum ianaga waxay ila tahay sida kaliya oo lagy
    heli karaa kuwa maqan Dhagarqabayasha in ay b tahay iyada Nin walba Reerka uu ka dhashay loo sheegto Dhiigii Dr Ahmed Culaysna lagu saaro in ay bixiyaan Magtii Sheekh

  14. Allaah ayaa mahad u sugnaatay waxaan kaloo u mahad clin gudiga ku hawlan hawshaan sidoo kale walaalha halgan net oo dareemeeno in ay qabaan labo dhaawac oo ah tan islaamka ay la qabaan iyo aygoo ah qaraabadii sheekh ugu dhoweeyd aad ayaan ugu mahad celin say hawsha noogu wadaan, waxaan kaloo u mahad celin walaaha damiirkooda ku cabiraaya qoraalka waxaan dhamaan teen ale inooga baryin samar jamiil ah, markaan argnay sawirda dhagar qabyaasha waxaa nagu dhacay jaha wareer hor leh oo ah in aan ku xanuunsanay sawirdooda iyo baadilka ay qirteen, dadka qaar baa qoraaya sucuudiga hala geeyo anoon rabin in aan cidna hadalka ku xumeeyo walaalha halgan ned erayadaas hanoo soo gudbinina fadlan waayo qalbiyan ayaan u dhawacanahay marka kuwii dhaawacaas geestay abaal marin bay mudan yihiin waa wax nafteena dhibaaya.

  15. Nin ladoho cabdiwaxid kalif wuxu aaminsanyahay in shekha ladilay iyo culumada ictisam ey jajusin yihin wuxu shegay ictisam iyo galada iney iskuhadafyihin macnaha galnimo umbey wadaraban wuxu kahadlay arimo ey sobandigen halgan.net kuwa qaarna wukacabsaday sida ninka katirsan madaxdha alqacida ee arima alqacida dhaleceyay abdiwaxid wuxu umuqda ninwaxkaoga dilki shekha wayo dagarqabayasha ayu difacaya lakin wuxu kuradgadanaya raga eedeysanayasha ah ayan qaarlaxiriireyna sifa aan uhubsano! Horta yasiiyay xiriirkoda? xassan suurato iyo cadiwaxid wa lagayaba ineysaxibo yihin oo xiriiro kalaheystan wayo surato wuxu soboqan jiray websiyada cabwaxid waxkuqoro!

  16. maa shaa allah hawl lagu farxaa socota
    ilaahaw dr axmed unaxariiso madaawateen muuqaalkii sheekha oo ladhexgaliyayay filimkii qiraalka waxaad moodaa inuu jeediyay intii ladilay kadib bal mar dib umilcsada markaan fiirsaday runtii ilin baan isku qooyay

  17. Hadaan nahay jaliyada Somaliyed ee reer Malaysia waxaan balan qaadaynaa inaan gacan ka geysano so gacan gelinta dhagar qabe Xasan Jaamac (Surato)… waxaana ku baaqaynaa in dhagar qabayaasha kale iyana lasoo gacan geliyo… dhamaantodna cadaalada la hor keeno…

  18. Waxaan Ilaahay ku mahadinaynaa in ay dhagar qabayaashii fashilmeen oo wax la qabtay iyo wax lagu raad-joogo laga dhigay…… Kuwa kalena Alllaahha soo qabto…. waxaase la yaab leh in wiilashii xiiqsanaa weli website-koodii sii shaqaynayo oo aadan moodinba inay dhiig muslim ku qubeysteen… Amison iyo gaalo kale oo waddanka qabsataba annaga oo muslimiinta kale ah baa diiddan Ilaahayna dhulkaan adinkaas buraashadda yar ah uma uusan wakiilan laakiin maxaan gaalo la xisaabtannaa haddaad adinku ummadda muslimka ah marka hore jirro xun ( Riddo ) ku sheegeysaan marka xigan ku dawaynanaysaan saliinge xun ( qori iyo bistoolad ) aadna saaraysaan sariir aan la hurayn ( naxashka meydka ) boohinna aad la ag istaagaysaan ( dhiig ku faanid ) ?

  19. Asc, walaalayaal ILAHAY ayaad mahad iska leh ALLIHII toosha ku ifiyay dhagarqabayaashii, intakalana waa la soo qaban bi idnilaah oo uu ugu waynyahay hogaamiyaha Alshabaab ee Godane.Maalin uunbaa cadaalada la horkeeni doonaa.wsc

  20. Walaalaha hawshan soo qabtay ilaah khayr ha siiyo waxaase kula talinayaa in dadka meeshay kudhasheen jilibkooda hoose iyo wax kasta oo sahlaya in la aqoonsado inaad soo qortaan waliba kacag loo balan qaad lacageed loo sameeyo ruuxii soo sheegay iyo kii soo qabta,
    mustaqbalka dheerna in la tiro koobo dadka shabaab kujira

  21. waa wax lagu farxo sanad kadib in alle fadeexeeyey dhiig yacabkii shiikha sooman dilay

  22. Salam bahda webside ka Halgan.net. Salaan ka bacdi waa ku mahadsantihiin cadeema aad ku soo bandhigteen iyo sawirada webside ka. Sawirda aad soo bandhigteen mid ka mid wiilasha wuxuuba joogaa Malaysia Xasan Jaamac (Surato). Sidaas ha loola socdo qolada dabni baarista falkaan baaraaya. Kheir Alle ha idhin siiyo kuwii dile Dr. Ahmed naartii Jahanama Alle ha ku fogooyo InSha’Allah.

  23. Shaki kuma jiro in arrintani aad inoo xanuujisay, waa marka koowaad waxaanu weyney sheekh aanan marnaba aynaan ka soo kabsan karin. Tan labaadna waxaa falkaas foosha xun loo lsticmaalay da,yarteeni. Haddaba waxaan anigu ku talinayaa ehelkii sida gaarka ah sheekhu uga tegey hala xaalo, da,yartanna sucuudiga tacliin diini ah haloogu diro oo gacanta halagu hayo.

  24. wallaahi aad baan ufaraxsaahay..xogtanna xog cajiiba weeye..sheekheenina alla ha unaxariiste wali ma aanu illawin kuwi dilayna ka hari mayno waanu daba taagannahay adduunka duhsiisa….aakhirana waanu heesanna ilaahay hortiisa…….mana raagayan waanakan iyaga fashilmay oo ceebeesan manta…waxaan taageersanahay arrinta ah in nimakna si baahsan loo baahiyo gaar ahaan TVda iyo mareegayaasha dhamaantood loo qeebsho…..runtii dad badan aan xaqaaiqda lasocodn baa wax kufahmay kagana toobad keenay waxay taageeri jireen xummantoodana ucadaatay….

  25. Asc
    Gudiga Baarista dilkii sheekha khayr allah ha siiyo shaqo aad loogu baahnaa ayay qabteen. Khaliyadii irhaabiga ee Puntland xididada ayay u saareen, waxaana leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, nimankii ayagoo firxad ah ayay soo galeen puntland, khatumo state iyo somaliland intaba. fadlan yaan laga hadhin gacan ku dhiiglayaasha illaa laga safeeyo deegaanadaas oo dhan. waaya aragnimada aad ka hesheen baadhitaankana u gudbiya cid kasta oo ay dhibaatada argagixisafu haysato. Wabilaahi tawfiiq. Wasalama caleykum.

  26. Ac wr wb. Aad baan ugu faraxsanahay in la helay kuwo ka mida kuwii muslimiinta cadwga u ahaa.Waxaan aad u jeclaan lahaa talada Kaamil ee ah in nimanka la raadinayao, iyo qabiilada ay ka dhasheen si wanaagsan looga baafiyo mareegaha iyo TVyada soomaalida oo dhan. Sidii Allaah (st) inoo sheegay qabiilka waxaa loo isticmaalaa in la isku garto. Allaah xaqa ha nugu hanuuniyo. aamiin.

  27. ASC bacada salaan walalayaal hawsha aad qabateen allaha idinka ajar siiyo, waxaana ilahay idiinka baryaynaa inuu idiin fududeeyo hawsha aad wadaan ilahayna waxaan ka barayaynaa inuu calaamad xun ka muujiyo dhagarqabayashii. aaaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiin

  28. AC WW

    Aad ayaan ugu faraxsanahay in la helay dhagarqaba yaaashii qayb ka mid ah.Dr.Ahmed sanad hore ayaan xajka isku aragnay, nin ladilo ama xumaan loo quudho ma’aheyn runtii. (Allah ha u naxariisto).kacbada akteeda ayaan isku salaanay,wuxuuna ii tilmaamay irida aan ka galayo kacbada anoo dhawaaf u socda.

  29. ilaah baa mahadleh rabow dhagarqabayaasha fadeexade aduun iyo aakhiraba , cimrigoodana koob qalbigoodana dilaacin saynooga walbahaariyeen amiin

  30. Asalaamu Calaykum. Allaha u naxariisto shiikheena. Halgan.net iyo gudiga khayr Allaha siiyo. Waxaan ku talinayaa dhawr qodob: 1. In qiraalada dambiilayaasha TV yada Somalida laga faafiyo. 2. In kuwa maqan faah faahin badan laga bixiyo sida meelaha inay jiraan lafilayo, Qabiilkooda iyo tilmaamahooda kale.

  31. Sidoo kale waxaan ka codsananeynaa guud ahaan ummadda somaliyeed garr ahaan reer puntland in ay la shaqeeyaan guddiga oo wax alla iyo wixii macluumaad ah siiyaan guddiga si cadaalada loo horkeeno dhagar qabayaasha indhaha ka ridey guud ahaan umada somaliyeed gaar ahaan ummadda puntland , AFElmi.

  32. ninkii lagu sheegay malasia mala sooqabtay horta?

Leave a comment

*