Dhagarqabe Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) oo ku sugan dalka Malaysia

October 24, 2012 - Written by

Malaysia:-Mid ka mid ah Dhagarqabayaashii qeybta ka ahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sh.Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa la ogaaday oo ay soo wargaliyeen qaar ka mid ah jaaliyada Sooomaaliyeed in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ka dib  markii la shaaciyey masawirada dhagarqabayashii dilay Dr.Ahmed Xaaji.

Dhagarqabahan la ogaaday in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa  Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) wuxuuna ahaa madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland waana ninkii soo amray dilka Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan waxaana sidaas cadeeyey qiraalka qaar ka mid ah raga gacanta lagu hayo waxaadna ka daawan doontaa Cajalka Muuqaalka ah oo ay Halgan.net baahin doonto  hadii alle idmo.

Gudiga madaxbanaan ee ku howlanaa baaritaanka cida ka danbeysay dilka Dr.Ahmed Xaji ayaa waxay ka codsanayaan dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia in ay qeyb ka qaataan qabashada dhagarqabo (Xasan Surato) si loo mariyo cadaalada.

Gudiga ayaa waxaa uu ka codsanayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba ay joogto in ay qeyb ka qaataan soo qabashada Dhagarqabayaasha dilay Sheekh Dr.Axmed Xaji C/Raxmaan raximahulaah wixii macluumaad ah fadlan ku soo hagaajiya Emailka hoos ku qoran.
awaxmad2011@yahoo.com

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

16 Comments so far

Leave a comment

  1. WALAA XOWLAH WALLAA QUTA ILLAA BILAAH MA IN TA CAALIM MADAXA KA JARTAY AYAAD RABTAA INAAD MALAYSIA WAX KA BARATO OOD ADUUNYADA RABTAA INAAD KU CIISHTO CIRIIRI ADUUN IYO AAKHIRO ILLAAY KU GALI AAMMIIN,WAXAABA IIGA DARAN SIDUU MAALIN WALBA IILA RAACO QOF CAADI AH WAXAA IQABATA INAAN TOORAY WADNAHA KA GALIYO.ILAAHAY KU QABAY,

  2. Bismilaah
    Asalaamu Calaukum

    Waxaa mahad u sugnaatay Alihii noo galay nimcooyin faro badan oo ay u danbayso tan lagu helay dhagar qabshii halbowalha na jaray ilaahadana dhawacoodi aanu ka bogsan la nahay.

    Dhamaan walaalha ku hawlan hawshaan Allaah misaanka xasanaadka ha u saaro, aad iyo aad ayaa quluubtu noo ooyin waxaana cafimaad iyo sabar weydiisan Alaha isagu na khalqay aduunyaadaan nagu maamula waxa naga horeeyana noo diyaarshay, runtii aniga ahaan waxaan qabaa wax aanan halkaan uga sheekhayn karin ama anan qoraal ku qiyaasi karin, waxaan dhamaan ku boorin naftayda iyo tiinaba in aan Allaah ugu dhowaano cibaado barx tiran si ciqaabtaan inooga dul qaado, anoo dareemin in Allaah uusan adoomadiisa marna ka aar goosan hadana waxaa wax sax ah in waxyaabaha inagu xeeran aynu wax ku leenahay, waxaan dhamaan umada muslimiinta ah meel walba ha jogeene Alaah inooga baryin kuwo Allaah u toobad keena Alena waxaan inooga baryin in uu naga aqbalo, waqtigu waa adag yahay safarkuna waa dheer yahay sahayduna inaguma fila.

  3. ninkaan idinku si fiican uma taqaanaan ee anaa aqaan garoowe markuu ka cararayna waa la ogaa asagoo laboo reer leh oo nimco ku jira oo Dahabshiil lacag fiican ugu shaqeeya ayaa dad lagu dilay Garoowe kadibna dad lagu tuhusanaa dilkaas ayaa la qabtay kadibna xasan surato waa fadhiyi waayey oo waa cararay magaaladiina waa dagtay ayaamahaas oo mudo ayey nasatay waxaan kaloo aqaan ninka ku magaaban kuxigeenkiisa amniyaatka Puntland Mowliid waa reer laascaanood waa ninkii la socday ninkii C/fitaax ee ka dhintay ina amuureeye asagoo qaraxa wada asaga uu ku qarxay gudaha laascaano habeenkaas ayaana mawliid ka cararay laascaano waa niman siiradooda saas loo wada hayo

  4. Bahda halgan.net ilaahay ha idinka abaal mariyo dadaalka dheriga ah ee aad samaynaysan. inkaar qabahanan si deg deg ah ha loo soo qabto ilaahayna wa baryayna in ilaahay calaamad ka ifiyo midda kale intusan dalalka kale aasiya ee aan dawladaha awooda badan lahayn galin ha la so qabto ninka si dhakhsa ah wad mahadsantihin bahda halgan

  5. Illaha ayaa mahad iska leeh kashifay dadki Umada indhaha ka tuuray oo dilay sheik Ahmed Xajji Abdirahman iyo umaad kalee oo masaakin ah oo aan waxba Galabsan waxaan Rajayneeyna in sharciga la waa fajin doono Kuwa dhimaan la heeli doono insha allah. Umada somaliyeed meelkasta oo ay joogan waxaan leeyahay haka wadda shaqayeen wanaaga oo yeeysan qarin danbilaah Gacan ku dhiiglayaasha oo xaqdaraada dadka Musliminta ku layeey.. Ninkaani Wa Shakhsi Ku Nool Malaysiya Hada Waxa una Ka degan yahy idmaan Sutraa…Wana Laso Qaban Donaa Insh Lh gacan Ku Dhig Lahaan.

  6. scww sida ii muuqata ducadii dadka ee ahayd in allah subxaanuwatacaalaa soo qabto dadkii dilay Dr Ahmed Haji Abdirahmaan allah ha u naxriisto, allah waa ka shifay,inta la hayo maahee inta kalena halaga qaybqaato sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaasha umada doorkeeda dhameeyay.

  7. a\c halagan
    dhagar qabe dhulkaa udhaqdhaqaa walee manoolatid nolal qiimaleh alaa sumxaanahu watcaalaa waxaan kabarinay waa mali carafaade in hadii aad gacanta muslimiinta kabadbaado in ilaahay kughu salido cuduro xunxun
    reemalaysi waawax taariikhda idiin gali doona hadii nin kaa dhax diina ku badbaado sooqabta walalalayaal ninkaan iyo kuwa lamidka ah waakuwa aqoon yahankii culumadii saraakiishii wax tarkii umada kadhigay inay dilaan inay u hanjabaan iyo inay caayaan alah hanaga kiin qabto

  8. alle surka kusoo qabey axmed suratuuba la baxay,war ninku il adkaa aduunka dhex mushaaxaya maanta inta uu falkii la ogaa geystey, waxaa iiga daran bal u fiirsada nimankaan waliba wada masuuliyiinta laga dhigey waa wada 20 jirro badankood oo xuduuda labaatanka wax dhaafayi ma jiraan, ilaahay ha soo qabto axmed godanaha kuwaan masuuliyiinta ka dhigtey waa wuxuu sh axmed cabdi samed sheegayey dadka uu ina godane adeegsado waa kuwo uu xushay oo iimo fara badan oo uu ku raacey uu u xushey bal dib u dhegeysta kuwaana isu eega , waxaasaa ummad masiirkeed la doonayaa inay ka taliyaan,ayaandarrideedase midaan iyada iyo ninkeedaba aakhiro dhiigga la iman doona ayaan la yaabanahay, kulligood surka ha loo dheereeyo ummaddu ha ka raaxaysatee ina godanena waxaan filayaa inuu maanta gacmo maran ku joogo ilaahay belaayo iyo baas ha ku sallido ummadda soomaaliyeed wuu kala gaabiyey.

  9. asw walaalah sogudbiyay mujrimintaan foshaxun ale haniibarakeeyo shekh ahmed na ale waxaan ugabarnay inuu giliyo janto fardowso culyaa

  10. Wac, waligay ma iloobi doono Dr Axmedn xaaaji, dhagar qabahan indhaha taagaya hala soo qabto hana lamariyo sharciga.

  11. Policeka malaysia waa in dawlada somaliya la xidhiidhaa sidii mujrimkaa loosoo qaban lahaa,

  12. ilaahay kusoo qabay, maanta isagaa ugu walwal badan dhul iyo cirna ma qariyaan dh/qabayaasha sidan oo kale u geysta jariimo caynkan oo kale ah, alla u fiicanaa in uu isagu isa soo dhiibo oo uu dunidaan isku beri yeelo si looga gudo dhiigii uu galey, hadii kale xaguu aakhiro tegi marka alle soo xashriyo isaga oo faraha ugu dharooban yihiin dhiiggii dr-ka, ilaahayow meelna ha ku bixinin ninkaas gacan ku dhiiglaha ah iyo intii la maleegteyba falkaas xun ,walaalaha reer malsysiana waxaan oran lahaa ninkaas geed dheer iyo mid gaabanba haloo fuulo sidii uusan u baxsan lahayn oo hala gaarsiiyo laamaha amniga ee malaysia si loo qabto oo sharci loo horgeeyo….war ninka haduu ugu dhawyahay ee yaanu baxsan, alleylehe dh/qabaha yaanu baxsanin ee tracking ha lagu sameeyo.

  13. ilaahn ninkuu ihaaneeyo waxsharfi karaa majiro ilaah waxaan kabaryaynaa in uu sidhibyar u soo gacangaliyo dhagarqaba yaasha

  14. Waxaa banaan in cadaalada loo maro wax kasta oo aan shareecada ka hor imaanayn. Ninkaan waa jaaliyada soomaaliyeed ee Malasia gacanta ugaliyaan police ka wadanka si ay ugu soo gudbiyaan police ka soomaaliyeed.

  15. War ninkaas soo qabta oo maxkamad halageeyo, ka dibna haloo qisaaso Dr Ahmed, inkastoonan qiimahii Dr lahayn hadana dambigaas yuunan ku noolaan

Leave a comment

*