2 ka mid ah Shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika oo Muqdisho lagu dilay
April 14, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray gaari ay wateen Laba ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika xili ay marayeen inta u dhaxeysa waddada KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee Aden Cadde.
Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 2 ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika waxaana sidoo kale goobta ku dhintay ninkii waday gaarigii laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Taliyaha ciidamada booliska ee saldhiga Degmada Waaberi Cabdifitaax Sabriye ayaa xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha hay’adda samafalka ee Tika.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka ka dhacay inta u dhaxeysa waddada KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee Aden Cadde.
Cabdi Yare
Halgan.net