2 ka mid ah Shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika oo Muqdisho lagu dilay

April 14, 2013 - Written by Editor

QaraxMuqdisho:-Weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray gaari ay wateen Laba ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika xili ay marayeen inta u dhaxeysa waddada KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee Aden Cadde.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay 2 ka mid ah shaqaalaha samafalka dalka Turkiga ee Tika waxaana sidoo kale goobta ku dhintay ninkii waday gaarigii laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Taliyaha ciidamada booliska ee saldhiga Degmada Waaberi Cabdifitaax Sabriye ayaa xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha hay’adda samafalka ee Tika.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka ka dhacay  inta u dhaxeysa waddada KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ee Aden Cadde.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online