Abu Mansuur Al-Amriki oo mar kale Twiiterka soo dhigay cabsho

April 30, 2013 - Written by Editor

abuMuqdisho:-Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al Amriki ayaa mar kale shalay soo dhigay bartiisa Twitterka qoraalo iyo cabasho ka dhan ah Al-Shabaab isaga oo ka warbixiyey dagaalo ka dhacay deegaanka Deegaanka Raama Cadey oo qiyaastii 33-km u jirta Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaa laga yaabaa in aanan helin fursad aan mar kale ku soo Tweet gareeyo, laakiin waxaad xasuusnaataa wixii aan niri iyo wixii aan u joognay dartiis.  Alle inaan sii noolaado ayuu ii ogolaaday si aan ummada fartiinta labaad ugu gudbiyo.  Dadku way nala jiraan, ilaa iyo haddase dagaaladu si xun ayaysan isugu miisaanayn maxaa yeelay waan qarxinay iyaga oo waxay dhex galeen xero miinooyin ah.

Xitaa hadaan dhimano waan guulaysanay. Waa dagaal hal dhinacle ah oo dhamaystiran oo lagu soo qaaday kuwa run sheega ah. xiriir u jarid, siyaasad qabiil, dil gaadmeed, sharaf dilid, weerar aan wax reebayn”.Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale ka hadlay in weerar labaad lagu soo qaaday gurigiisa oo la qaatay wixii agab uu lahaa isaga oo xusay in lagu eedeeyey in gurigiisa laga helay Kondhomyo, khamri iyo qoraalo wuxuuna isaga fogeeyey dhamaan eedeyntaas.

Cumar Xamaami ayaa sidoo kale Sheegay in uu dalbaday in lagu kala baxo Maxkamada Sharci ah balse laga diiday laguna amray in uu hubka dhigo oo isa soo dhiibo taas oo uu ka biyo diiday waxaana uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay naftooda Difaacaan .Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sidoo kale Sheegay in uu dagaal dhemaray kooxo amniyaad ah oo ka mar qaata Amiirka Al-Shabaab iyo ilaalo la soctay Abu mansuur Al-Amriki wuxuuna sheegay in ay dileen 3 askari qaar kalana ay dhaawaceen .

Marka weerarka lagu qaadayey Abu mansuur Al-Amriki ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey, Khidhaab Al-Masri,Usaama Al-biridaani oo dhamaantood ah ay ku raad joogaan ururka Al-shabaab ayna ku eedeeyeen  in ay ku  baxeen daacadii Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Source https://twitter.com/abumamerican

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online