Afhayeenka dowllada Puntlland oo sheegay in shirka London aysan ka qayb geli doonin
April 30, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa si rasmi ah u sheegay in dowllada Puntlland aysan ka qab galin doonin shirka bisha May ka dhici doono magaalada London oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya. Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa sheegay in sababta ay dowllada Puntlland u diiday in shirka London ay ka qayb galaan ay tahay in ay ilaa hadda wax casumaad ah oo rasmi ah aysan ka hellin dowllada Ingriiska balse madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu ka codsaday dowllada Puntlland in ay ka qayb galaan shirka arrinkaas oo ay ka biyo diideen.
Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa sheegay in dowllada Puntlland ay tahay dowllada jirta xiriir fiicana la leh caalamka aysan aqbali karin in ay ka qab gasho shir aysan ajandihiisa wax ka ogeyn ama arrimo iyaga dan u ah aysan ku jirin ajandaha shirka London gaar ahaan dhibaatooyinka ka jira Puntlland sidda in gacan laga siiyo barakacayaasha , arrimaha amniga iyo tababarka ciidanka.
Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa intii uusan ku wargelin Madaxda Puntlland Ajandaha shirka ka dhici doona magaalada London waxaa ay Madaxda Puntlland heleen fariin cadaynaysa ajandaha shirka London taas oo keentay khilaafka iyo is mari waaga dhacay.
Arrinta kale oo khilaafka xooggan abuurta ayaa ah qaabka maamul u samaynta Gobollada dalka iyo weliba arrimaha Federaalka gaar ahaan qodobo dhowr ah oo laga saaray Dastuura DFS.
M_M_Deeq
Halgan.net