Afhayeenka dowllada Puntlland oo sheegay in shirka London aysan ka qayb geli doonin

April 30, 2013 - Written by Editor

libax jooreGaroowe:-Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa si rasmi ah u sheegay in dowllada Puntlland aysan ka qab galin doonin shirka bisha May ka dhici doono magaalada London oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya. Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa sheegay in sababta ay dowllada Puntlland u diiday in shirka London ay ka qayb galaan ay tahay in ay ilaa hadda wax casumaad ah oo rasmi ah aysan ka hellin dowllada Ingriiska balse madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu  ka codsaday dowllada Puntlland in ay ka qayb galaan shirka arrinkaas oo ay ka biyo diideen.

Afhayeenka dowllada Puntlland Libaax Joore ayaa sheegay in dowllada Puntlland ay tahay dowllada jirta xiriir fiicana la leh caalamka  aysan aqbali karin in ay ka qab gasho shir aysan ajandihiisa wax ka ogeyn ama arrimo iyaga dan u ah aysan ku jirin ajandaha shirka London gaar ahaan dhibaatooyinka ka jira Puntlland sidda in gacan laga siiyo barakacayaasha , arrimaha amniga iyo tababarka ciidanka.

Madaxweynaha Dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa intii uusan ku wargelin Madaxda Puntlland Ajandaha shirka ka dhici doona magaalada London waxaa ay Madaxda Puntlland heleen fariin cadaynaysa ajandaha shirka London taas oo keentay khilaafka iyo is mari waaga dhacay.

Arrinta kale oo khilaafka xooggan abuurta ayaa ah qaabka maamul u samaynta Gobollada dalka iyo weliba arrimaha Federaalka gaar ahaan qodobo dhowr ah oo laga saaray Dastuura DFS.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online