AMISOM oo xaqiijisay imaanshaha Muqdisho ciidamo ka socda dalka Siera Leone

April 4, 2013 - Written by Editor

Siera LeoneMuqdisho:-Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif,ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamo ka socda dalka Siera Leone kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho. Ciidamada ka socda dalka Siera Leone ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan howlgalada ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan dalka Soomaaliya waxaana la shaaciyey in dowlada Siera Leone ay u soo dirtay Soomaaliya ciidamo gaaraya ilaa 850 askari.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa u  mahadceliyay Madaxda dowlada  Siera Leone wuxuuna ciidamadooda ku soo dhaweeyey in ay ka qeybqaataan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay hurmuudka ka tahay AMISOM. Sarkaal u hadlay ciidamada ka socda dalka Siera Leone ayaa sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay caawiyaan DFS dibna loo soo cesho nidaamkii dowladeed ay lahaan jirtay Soomaaliya balse Al-Shabaab ayaa ku goodiyey in ciidamada Siera Leone aysan nabad ku fadhin doonin Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday dal baylaha ah ka dib dhicitaankii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee uu madaxada ka ahaa Maxamed Siyaad Bare waxaana burburay wax walba ,Khilaafka ,heshiin la,aanta iyo damac siyaasadeed iyo kan qabiil ayaa keenay in dalka ay ku soo qulqulaan ciidamo Afrikaan ah oo ay taageerayaan wadamo reer galbeed ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online