Bayaanka Gebegebada Shirka (Mu’tamarka) Koowaad ee Markis Altawxiid,Kampala (Akhri)

April 1, 2013 - Written by Editor

1Kampala:-Waxaa caawa si rasmi ah u soo gabagaboobay Mutamarkii 1aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda , Mutamarka ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo Soomaaliyeed oo ka yimid gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa waxaan ay bulshada Soomaaliyewed u jeediyeen muxaadaraad iyo towjiihaad iyagoo sidoo kale uga jawaabay su,aalo faro badan oo diini ah. Mutamarka ayaa markii uu caawa soo xirmay waxaa laga soo soo bayaan  Gebegebo ah  waxaan uu u qornaa sida hoos ku xusan:-

Bayaanka Gebegebada Shirka (Mu’tamarka) Koowaad ee Markis Altawxiid,Kampala (Uganda)   Monday, April 01, 2013

 

  1. Shirku wuxuu u dardaarmay Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay joojiyaan colaadaha sokeeye sodon jirsaday ee soo maray wijiyada kala duwan kuwaas oo ay ku leedeen umad iyo ubad farabadan, kuna barkaceen boqolaal kun oo qaxoonti ku ah dalka dibadiisa iyo gudahiisa.
  2. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay nabad waarta ka hirgeliyaan deegaanada kala duwan ee umadu ku dhaqan tahay.
  3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay Diinteeda ugu laabato Kitaabka iyo Sunada iyaga oo isku laasiminaya fahamkii Salafka Saalaxa (umada wanaaga u hor martay), arintaasna uga dambaynaysa Culimada Rabaaniyiinta ah ee Ilaahay Cilmiga ku manaystay.
  4. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay halgan dheer u galaan sidii ay diintooda suuban u sii haysan lahaayeen iyaga oo ka fogaanaya in ay ku saamoobaan caadaadka gaalada isla markaana ay dalkooda iyo dadkooda ku xidhnaadaan.
  5. Shirku wuxuu u dardaarmay Ardayda Soomaaliyeed ee dhigata iskuulada iyo Jaamacadaha kala duwan in ay ku dadaalaan tacliintooda kuna xidhnaadan Maraakiista Dacwada iyo culimada Soomaaliyeed.
  6. Shirku wuxuu u dardaarmay Waalidiinta Soomaaliyeed in ay kula dadaalaan ubadkooda tacaliinta islaamka iyo ta maadiga ah si mustaqbalka ay diintooda iyo dalkoodaba u anfacaan.
  7. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay tusaale fiican u noqdaan dadyawga ay la degan yihiin, uguna yeedhaan ficil ahaan iyo akhlaaq ahaanba diinteena suuban kana fogaadaan in ay Islaamka ka bixiyaan tusaale xun iyo xagjirnimo.
  8. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ganacsigooda Islaamiyaan oo shareecada waafajiyaan, diintana aqoon fiican u yeeshaan, xalaasha cunanaan, xaaraantana ka dhawrsadaan.
  9. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay iska daayaan tahriibta oo dalkooda aaminaan oo wax kala soo baxaan oo ku samraan.
  10. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Jaamacadaha dhigata iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed in ay dhulalka soomaliya ee kala duwan ay dib ugu soo laabtaan oo aqoonta dib ugu soo celiyaan si ay uga qayb qaataan horumarkiisa, xasiloonidiisa iyo dawladnimadiisa.

 Allaa Mahad Dhamaanteed iska leh, Nebigana Naxariis iyo Nabad Gelyo korkiisa ha ahaato

 Ibrahim Hersi Galow

Gudoomiyaha Gudida Abaabulka Shirka
(Mu’tamarka) Koowaad ee Kampala, Uganda.

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. alxamdulilaah illaahay baa mahad leh si nabad ah kusoo dhameeyey mu tamarka ama shirka illaahay waxaan uga baryayaan culimadii wakhti noo soo hurtay in uu ka abaal mariyo anagana nagu anfaco waxaan ka faa iidnay illaahay waxaan kaloo waydiisan in uu noo soo celceliyo shirarkan oo kale si uma soomaliyed fahan fiican diinta uga hesho oo isku kaashadaa

Leave a comment

*