Been Muslin Uma dabaaldago!!W/Q: Sh CaliNuur Xoogsade

April 1, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Norway:-Ceeb iyo Lama arag waa inuu qofka ahaado hayin raac waana Ceeb inuu ruuxa Noqdo sida Shimbirka iska yiraahda hadba waxa uu maqlo, waa Godob iyo Gaf weyn inuusan Ruuxa Xumaanta ka Xishoonin.
Maalinta Beenta loo dabaal dago qof haduu rumeesto weliba Muslim yahay Soow Ceeb iyo Gabood Fal ma aha? Soow Caqli yari iyo Diin la’aan ma aha inuu Been ruux Muslim ah Xalaashado?.

Beenta Waa Wax aad u xun Shareecada Islaamka iyo Caqliga Fayow waa wax aad ugu Xun kuna wanaagsaneyn mana mudno Been in loo Dabaaldago ama lagu faano oo la faafiyo.

Beentu ma banaana Diin ahaan waa Dembiyada la galo kuwa ugu waa weyn mid ka mid ah sababina karo qofka inuu Cadaabka Naarta ku muteysto, waxaana arimahaas Cadeyn iyo Daliil u ah Daliiladaan soo socda Suurada Al-Naxl Aayada 105aad: {Waxaa uun abuurta Been kuwaan rumeyn Aayadka Eebe, kuwaasuna iyaga uunbaa Beenayaal ah
– Muslim iyo Bukhaari waxa ay wariyeen inuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee yiri: [Tilmaamaha Munaafiqiinta waa Sadax Haduu sheekeeyo Been ayuu sheegaa, haduu Balan qaadana waa ka baxaa, hadii la aaminana wuu qiyaanaa

Labadaan Daliil hadii aan soo koobo Sharaxooda waxa ay muujinayaan in Beenta ay Caado u tahay kuwa iimaanka aan laheyn iyo Munaafiqiinta taasoo muujinaysa Dadka Muslimiinta inay aad uga fogaadaan iskana ilaaliyaan ku dhaqanka Beenta.

Noocyada Beenta:

1- Beenta waxaa ugu weyn ugu daran Beenta laga sheego illaaha Koonka oo dhan abuurtay iyo Rasuslkiisa oo laga been sheego.
Beenta noocaas ah waa tan ugu daran ugu Weyn Qofka Beentaas sameeyaanaa waxaa uu halis u yahay Cadaab daran inuu ku muteysto, Culimada Qaarkeedna waxayba qabaan inuu ruuxa ku gaaloobi karo.
-Suurada Al-Naxl Aayada 116: {Hadhihinina wuxuu Carabkiina Tilmaamayo Been kani waa Xalaal kanna waa Xaaraan, inaad ku Been abuurataan Eebe, kuwa ku Been abuurta Eebe ma liibaanaan}
-Bukhaari waxaa uu wariyay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiri: [Ha igu been abuuranina, Qofkii igu Been Abuurtaa Naarta ha galo]
Bukhaari sidoo kale waxa uu wariyay Inuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiri: [Qofkii igu Been abuurtaa ha diyaarsado -ha u diyaar garoobo-  Booskiisa Naareed]
2- Beenta nooca labaad waa Beenta Beeca iyo Ganacsiga lagu dhex sheego si Dadka wax laga gadayo loo dhagro Dhaartana loogu been jilicsado si badeecada loo socodsiiyo.
-Muslim Waxa uu wariyay Inuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiri: [Illahay Sadax lama hadlo Maalinta Qiyaamo, Mana fiiriyo, Mana dhaafo Gafkoodii, waxa ayna leeyhiin Cadaab Xanuunjiya, Sadax jeer ayuu sidaas ku Celceliyay Nabiga Suuban, markaas ayaa Abuu Dar yiri: Waa hoogeen oo Kahsaareene waa kuwama Rasuulkii Illaahow? Rasuulkii waxa uu yiri: waa Kan Dharka Raaracsada ee Qaobabka dhaafiya, Kan Galadeesta wanaaga uu sameeyay, iyo Kan Beenta ku bixiya Badeecadiisa]
Sidaa darteed Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee waxa uu u balan qaaday kuwa wax kala gadanaya ee Beecooda Runta ka sheega Beenta ka dhoowrsada inuu Illaahay Beecooda u barakaynayo.
3- Inuu Ruuxa ka sheekeeyo wax walba uu maqlay asaga oo aan hubsan ama aanan ka xishoon in waxaan been noqon karaan iska faafiya, arintaana waxaa inta badan ku Ebtalaysan warbaahinta noocyadeeda kala duwan waxaana sidoo kale la mid ah Dadka Runta kasii sheekeeya ama Waxyi Illaah yiri mooda wax Walba oo uu Idaacad ka arko ama Jaraaid ka qriyo ama Idaacad ka dhagaysto.
Waxana Xasuusun mudan waayahan inay bateen Dad Maqaalo ka qora ama Gabayo ka tiriya Been kastoo fakatayna Run mooda, taasoo sababtay in ay arintaas ku daneestaan Heyado Beenta ka Mushtara hadba Been ka faafiya Bulshada.
-Muslim Waxa uu Wariyay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariisa Allaha yeelee yiri: [Ruuxa waxaa Been ugu Filan inuu ku sheekeeyo wax walbuu maqlo]
4- Beenta laga sheego Riyada ayadoo uu Ruuxa ku sheekeeyo inuu ku riyooday wax uusan Riyo iyo soojeedba ku arag
Arintaana waxaa ku Badan Qeybo Culimada ka mid ah ayagoo marba sheega inay Riyo arkeen ama balaayo soosocota Riyo ku arkeen islamarkaana Fara Ducooyin iyo Adkaaro gaar ah si ay Dadka marba Jadwal ay kaga shaqeestaan ugu dajiyaan.
Waxaana Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiri hadal macanahiisu yahay Kii Riyo been ah ku sheegta waxa uusan ku Riyoon waxaa lagu kalifaa inuu laba Timood isku Gunto mana karo….
Waxaa taas Culimada ku macneeyeen: in lagu kalifaayo waxa uusan Awoodi karin oo howl ah  maadaama uu awalkiisu ahaa Ruux sheegan jiray inuu arkay wax uusan arkin si Been ah, taasoo u sababi doonta inuu ku Cadaab muto marka uu qaban waayo howsha loo diray.
5- Beenta Xigtana waa Beenta lagu Kaftamo, taasoo inta badan laga yaabo qof walba inuu sahlado una qaato inaysan Dembi aheyn ama Dembigeedaba la yaraado Qofka maadaama uusan Been Dhab ahaan ula jeedin.
-Dhabaraani waxa uu Wariyay Xadiis Xasan ah Darajo ahaan, Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee inuu Dhihi jiray: [Anigu waan Kaftamaa mana iraahdo wax aan Xaq aheyn]
Beentaan waxaa soo gali kara waxa ay dadka maanta u yaqaanan ila qosolka Dadka looga nixiyo ama ay Dadka Qaar qofka waxyaabo ay kula kaftamayaan kaga nixiyaan ayagoo dantoodu aysan aheyn inay Been sheegaan dhab ahaana uga nixiyaan.
Waxaana Xasuusin mudan in ay Halis tahay in laga Nixiyo Qofka ayadoo kaftan ah maxaa yeelay waxaa dhici karta inuu Caafimaadkiisu wax u dhinmaan amaba uu ku dhinto Naxdinta darteed ayadoo laga yaabo Ruuxa ka nixiyay been ahaan inuu kaftan ula jeeday!
– Abuu Daauud Xadiis uu Wariyay Xasana ah Darajo ahaan, waxa uu sheegay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee waxa uu yiri: [Muslim uma Xalaal aha inuu ka nixiyo Walaalkiis] waxaana arintaan uu yiri Nabiga Suuban Markii Qaar Saxaabada ka mid ah ay ka Qaateen Gamuunadii uu watay Saxaabi Hurdayay kaasoo markii uu soo toosay aad uga naxay in Gamuunadiisii aysan Baalkiisa oolin, markaasaa Qaarkii ka qaaday Gamuunada ku qosleen ayagoo kaftamaya. markii uu weydiiyay sababta ay u qoslayaana waxay sheegeen inaysan dhibaato jirin laakiin ay Gamuunada ka qaateen xili uu Hurdayay!! arintaasoo Sababtay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiraahdo: [Muslim uma Xalaal aha inuu ka nixiyo Walaalkiis].
6- Beenta waxaa kaloo ka mid ah mida Caruurta loogu sheekeeyo ayadoo lagu madadaalinayo ama Balan aan sax aheyn laga qaado marka ay Caraysan yihiin si loo siro raalina looga dhigo.
Sidaa darteed waxaaa haboon in laga digtoonaado Caruurtana Beenta lagana ilaaliyo si aysan Been sheegida ugu Tarbiyoobin, waxaana intaas dheer in Ruuxa ku kaftamaya Beenta Dembi uu ku mutaysanayo.
Xadiis uu Abuu Daauud wariyay xasan ah darajo ahaan waxaa uu yiri Saxaabiga la yiraahdo C/LLaahi Ibnu Caamir: Maalin ayay Hooyadey ii yeertay ayadoo Rasuulkii Illahayna uu fadhiyo gurigeena, waxayna tiri: Hoo kaalay aan ku siiyee!! Rasuulka ayaa weydiiyay maxaad rabtay inaad siiso? waxay tiri: waxaan siinaayaa Timir, Markaasaa Rasuulka ku yiri hadii aadan siin laheyn waxba waxaa laguu qori lahaa Been.
Xadiiskaas waxa uu tusayaa in Ruuxii wax Been ah ku sira Caruurta uu Been sheegay Dembina in loogu qoraayo ayadoo laga yaabo Waalidiinta inaysan Beentaas wax Gaf ah ama Dembi ah u heysan.
7- Beenta waxa ka mid ah mida loo sheego in Dadka looga qosliyo waxaa taas ugu badan Riyaawadaha ama Majaajilada dadka sameeya waxaana laga yaabaa inay naftooda ugu sheekaynayaan inay Wacyigalin samaynayaan ama Dantooduba inay tahay Lacag raadsi.
-Tirmidi waxa uu Wariyay Xadiis Xasan ah darajo ahaan in Saxaabiga la yiraahdo Mucaawiyah Ibnu Xiidah yiri: waxaan maqlay Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee asagoo dhahaya: [Waxaa hoogay kan dadka Sheeko uga sheekeeya si uu uga Qosliyo ee Beenta sheega, waa Hoogay kaas. waa Hoogay kaas]
GaboGabo
Hadaba waxaa haboon in Beenta laga digtoonaado gaar ahaana in Beenta loo Damaashaado waa Dembi aad u weyn iyo Sheydaannimo cad waxaana iga xasuusin ah in Beentu Sababto Aafooyin Aduunyada iyo Aaqiradaba ku dhaca ku caadeesta haday ahaan laheyd Sumcad Xumo Munaafiqnimo Fajirnimo ilaa ay u Sababto Cadaab daran Maalinta Qiyaamaha.
Marka ka Digtoonow inaad Beenaale nqoto ama Beenba u Damaashaado ama Beenba laguu Barto ama Beenta ku Kaftanto ama Beenta ku Ganacsato ama Beenta Saxaafada kusoo bandhigto ama Been……. si Aduunkaaga iyo Aakhiradaadaba kuugu Badbaadaan.
W/Q: Sh Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ASC .waxaan u mahad cilinayaa walaalaha halgan net oo noo soo gudbiyay mowduuca qiimaha badan ee walaalken sh.calinuur xoogsade ka qoray u damaaashaadka beenta ALLAH HAKA ABAALMARIYO WALAALKA MIIZAANKA XASANAADKANA HA UGU DARO .
    mowduucu ma u baahno in la tacliiqiyo maxaaa yeelay walaalka ayaa si wanaag badan uga soo shaqeeyay balse waxaan leeyahay halaga faa ii daysto waa baxthigii ugu horeeyay ee laga qoro mowduucaan luguna qoro luqada af keena hooyo & aabe (soomaali) inta aan ka war hayo marka aan ku dabaqno nafteena ugana digno mujtabaceena benta. شكرا جزيلا لكم جميعا

Leave a comment

*