Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku qulqulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay

April 2, 2013 - Written by Editor

amisomBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo aad u fara badan ay xalay ilaa saaka ku qulqulaya magaalada Baydhabo waxaana ayna fariisimo ka sameysteen  gudaha iyo duleedka magaalada Baydhabo.

Ciidamadan oo watay gawaari badan oo Tikniko ah ayaa waxaa ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay waxayna soo mareen dhulka iyaga oo sida la sheegayo ay badali doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo.

Goobjooge ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada AMISOM ay soo buuxdhaafiyeen magaalada Baydhabo iyaga oo isla saaka bilaabay in ay xarumo ka sameystaan  gudaha magaalada Baydhabo .

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaan ka hadlin ilaa haatan ciidamadan ku qulqulaya gobalka Bay

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa isbuucii la soo dhaafay mar uu wareysi siiyey AFP wuxuu sheegay in ay aan loo dhutin doonin ciidamada Itoobiya wuxuuna sheegay in ay ciidamo geyndoonaan gobalada Bay iyo Bakool

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay qorsheynayaan in ay ka baxaan dhamaan gobalada Bay iyo Bakool ,Baladweyne ,iyo Gobalada Dhexe waxaana lagu badali doonaan ciidamo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugan magaalada Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online