Ciidanka AMISOM iyo DFS oo howlgalo ka sameeyey xaafado ka mid ah Muqdisho

April 23, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada Dowladda Somalia iyo Kuwa Midowga Africa ayaa saakay howlgal balaaran oo dhinaca amaanka ah ka bilaabay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska Somalia, kuwa nabad suggidda iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom oo kaabaya ayaa saakay waaberigii isku geedaamay xaafadda Xamar jadiid ee Degamada Warta Nabadda iyo xaafado ku dhow dhow jidka Warshadaha.

Howlgalkan oo ahaa kii ugu balaaraa oo noociisa ah oo magaalada Muqdisho ay ka fuliyaan ciidamada wada jirka ah ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay dayuuradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopterska .

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen ciidamada oo taagan albaabka guri kasta ee xaafadaha howlgalku ka socdo iyagoo baaritaan ku sameeynaya dadka galaya iyo kuwa ka baxaya xaafadaas.

Waxaa kaloo ciidamada ay beegsadeen guryo ku yaala xaafadahaasi.Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ay la hadashay VOAda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in howlgalka ay ku qaadeen meelo ay ku tuhmayaan qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabab inay ku dhuumaaleysanayaan.

Weli lama oga faah faahinta ku saabsan howlgalkan oo weli socoda iyo hadii ay jiraan dad lagu soo qabqabtay.

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online