Ciidanka AMISOM iyo Maamulka KMG ee Kismaayo oo miinooyin ka saaray xerada Congo
April 23, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka howlgalo ay wada jir u wada sameeyeen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ay ku guuleysteen in ay ka soo saaraan Xeradii Congo jawaano ay ka buuxaan walxaha qarxa.
Xerada Congo ayaa horey u ahay xarun ay deganaayeen kooxada Al-Shabaab ee laga saaray magaalada Kismaayo waxayna tababar kala duwan ku siin jireen ciidankooda .
Taliyaha ciidanka amniga ee Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo Maxamuud Khaalib, oo la hadlay warbaahinta saaka ayaa sheegay in howlgalada ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo looga dan leeyahay sugida amaanka .
Maxamuud Khaalib Madaxa Amniga ee Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu sugayo amaanka magaalada Kismaayo xili uu gabogabo marayo shirka Maamul loogu dhisi lahaa gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo ciidanka Maamulka ku meel gaarka ah ayaa dhowr mar fashiliyey Miinooyin lagu aasay wadooyinka qaar ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo waxaana u danbeeyey miinooyin ay ka soo saareen Isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo