Ciidanka AMISOM iyo Maamulka KMG ee Kismaayo oo miinooyin ka saaray xerada Congo

April 23, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka howlgalo ay wada jir u wada sameeyeen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ay ku guuleysteen in ay ka soo saaraan Xeradii Congo jawaano ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Xerada Congo ayaa horey u ahay xarun ay deganaayeen kooxada Al-Shabaab ee laga saaray magaalada Kismaayo waxayna tababar kala duwan ku siin jireen ciidankooda .

Taliyaha ciidanka amniga ee Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo Maxamuud Khaalib, oo la hadlay warbaahinta saaka ayaa sheegay in howlgalada ay ka fuliyeen  magaalada Kismaayo looga dan leeyahay sugida amaanka .

Maxamuud Khaalib Madaxa Amniga ee Maamulka Kmg ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada lagu sugayo amaanka magaalada Kismaayo xili uu gabogabo marayo shirka Maamul loogu dhisi lahaa gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya iyo ciidanka Maamulka ku meel gaarka ah ayaa dhowr mar fashiliyey Miinooyin lagu aasay wadooyinka qaar ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo waxaana u danbeeyey miinooyin ay ka soo saareen Isbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online