Ciidanka Booliska ee gobalka Karkaar oo gacanta ku dhigay Lacago Faalso ah (Daawo)

April 29, 2013 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Howlgalo ay sameeyeen ciidanka Booliska ee magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen lacago Faalso ah oo la soo galiyey magaalada Qardho.

Taliyaha Booliska ee magaalada Qardho Siciid Xirsi Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka Nabadsugida ee Puntland (PIS) ay ku soo wargaliyeen in magaalada Qardho la soo galiyey lacago dollar faalsa ah  oo gaaraya ilaa 8000 USD ah ka dibna ay howlgalo ay sameeyeen ku soo qabteen lacag gaareysa 5000 USD ah .

Taliya Booliska ee magaalada Qardho ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal soo galiyey lacagta faalsada ah Qardho wuxuuna intaas ku daray in rag kale ay ku daba jiraan.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan magaalada Qardho in ay ka foojignaadaan lacagta faaliska ee la soo galiyey Degmada Qardho waxaana uuna ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan gobalka Karkaar in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska .

Hoos Ka Daawo Taliyaha Degmada Qardho iyo Duqa magaalada Qardho oo warbixinaya Lacagaha Faaliska ee la soo galiyey Qardho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online