Ciidanka Booliska ee magaalada Gaarisa oo in ka badan 100 qof xabsiga u taxaabay

April 23, 2013 - Written by Editor

garisaGaarisa:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in ciidanka Booliska ee magaalada Gaarisa ay howlgal ballaaran xalay ka sameeyeen gudaha magaalada waxayana xabsi u taxaabeen dadweyne aad u tiro badan oo kor u dhaafaya 100 qof.

Ciidanka Booliska iyo kuwa Melatariga ayaa ku qamaamay dadweynaha Gaarisa ka dib markii ay ku fashilmeen in ay wax ka qabtaan amaanka magaalada Gaarisa oo ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo kala duwan.

Dadweynaha Xabsi loo Taxaabay ayaa waxaa ku jira qanacsato iyo dhalinyaro dhigata iskuulada Gaarisa oo ay ciidanka Booliska magaalada Gaarisa ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan amar ku siiyey Laamaha kala duwan ee magaalada Gaarisa in ay wax ka qabtaan qaraxyada iyo dilalaka ka dhaca magaalada Gaarisa ayna soo celyaan amaanka guud ee magaalada.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska ee dalka Keyna ayaa sheegay in ilaa 100 qof ay ku qabteen howlgalada ka socda magaalada Gaarisa ayna sii wadi doonaan howlgalka ilaa ay ku guuleystaan soo celinta amaanka ayna ka sifeynayaan  magaalada kooxaha dilalka u geysta ciidanka Booliska iyo dadka rayidka ah.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay jiraan dad la shaqeeya kooxaha dilalaka fuliya waxaana usbuucii la soo dhaafay shaqada laga ceyriyey madax ka tirsan Booliska iyo nabadsugida kuwaa oo gaarayey ilaa 9 sarkaal .

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa la soo darsay qaraxyo iyo dilal kala duwan ka dib markii ay ciidamada Kenya ka talaabeen xadka Soomaaliya ayna qabsadeen deegaano ka tirsan gobalka j/hoose iyo Gedo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online