Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay 78 kalluumeysato u dhashay Iran

April 24, 2013 - Written by Editor

admiraal CrisaaqBoosaaso:-Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee ”PMPF”ayaa shalay waxay gacanta ku soo dhigeen kalluumeysato reer Iran oo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebada deegaanada Puntland gaar ahaan inta u dhexeysa Qow ilaa Ceelaayo.

Taliyaha ciidanka badda ee dowlada Puntland, Jen Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay 78 kalluumeysato reer Iran ah iyo 12 nin oo Soomaali ah oo hubeysan kuwaas oo ay soo qabteen ciidanka badda ee Puntland.

Jen  Cabdirsaaq Diiriye Faarax  oo la hadlay saxaafada isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa uu sheegay in iska hor imaad kooban uu dhexmaray ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ”PMPF” iyo 12 nin oo Soomaali ah oo hubeysan  oo ilaalo ka hayey kaluumeysatada reer Iran ee la soo qabtay.

Taliyaha ciidanka ciidanka badda ee Puntland ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigeen sidoo kale 12 dhalinyaro Soomaali ah oo ku hubeysan qoryaha AK 47 iyo G3.

no images were found

Maraakiibta iyo Doomaha sida Sharci darada ah uga Kaluumeysta xeebaha Puntland ayaa waxaa ay dhibaato badan ku hayaan dadka deegaanka waxaana uu taliyaha ilaalada xeebaha Puntland ku goodiyey in ay talaabo ka qaadi doonaan doomaha iyo Maraakiibta sida sharci darada uga kaluumeysto xeebaha Puntland.

Dadweynaha ku dhaqan gobalka Bari ayaa si weyn u soo dhaweeyey howlgalada ay qaadeen Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland waxayna ugu baaqeen in la joogteeyo howlgalada ka dhanka ah Maraakiibta ka kaluumeysta Xeebaha Puntland waxaa sidoo kale arinkaas soo dhaweeyey guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada gobolka Bari Maxamed Cabdi Cismaan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online